Madaxweynaha Cusub Oo Dalka Nigeria Oo Lugtiisii Ugu Horaysay Ee Safar Dibadeed Ku Maraya Wadamadda Safka Hore Kaga Jira La Dagaalanka Kooxda Booko Xaraam

BokoHargaysa: (Duulnews)-Madaxwaynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa booqashadiisii ugu horaysay ee dalka dibadiisa ah ku tagaya dalka Niger tan iyo intii uu xilka la wareegay todobaadkii hore.

Waxaa la filayaa in ay kawada hadlaan dagaalka uu gobolku kula jiro Boko Xaraam ee ay ka qaybqadanayaan dalalka Nigeria dariska kala ah dhanka waqooyiga.

Niger, Chad iyo Cameroon ayaa Nigeria ka caawinayay in ay dib u qabsadaan dhulka ay haystaan malayshiyada Boko Xaraam, kuwaas oo uu madaxwaynuhu ku tilmaamay kuwo aan Alle rumaysnayn oo aan garasho lahayn.

Markii la caleemo saarayay Buhari waxa uu wacad ku maray in uu wax ka qaban doono malayshiyada oo lix sano jirsatay.

Waxa uu markii u horaysay la kulmay madaxdiisa laamaha ammaanka tan iyo markii la dhaariyay talaadadii.

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in taliska ciidanka loo wareejin doono magaalada waqooyi bari ku taala ee Maiduguri, isla markaasna uu halkaas sii ahaan doono ilaa iyo inta laga soo afjarayo Malayshiyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>