Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Marxuum Gacma-dheere

Aaas(Duulnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo Waxa uu maanta ka qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale

(Gacmadheere) oo lagu aasay Xabaalaha Naaso-hablood ee Hargeysa.

 

Aaskan qaran oo ay isugu yimaadeen guud ahaan madaxda dalka oo aan u kala hadhin iyo qaybaha bulshada, oo ay hogaaminayaan Boqorada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Caaqilada, waxgaradka, Ganacsatada, aqoon yahanka iyo qaybaha kala duwan bulshada oo aad u tiro badan.

 

Alle ha u naxariistee Marxuum Gacma-dheere, ayaa ku baxay gacanta Askari ku sugnaa Bar kaantarool oo ku taala degmada Qoton, halkaasi oo Marxmuuku kaga mid ahaa wefti la socday wasiirka Caafimaadka.

 

Madaxweynaha Somaliland, Madaxda kale ee dalka iyo haldoorka dalk ayaa tacsi u diray ehelka, qaraabada, bahda ganacsatada ee Marxuuku ka mid ahaa iyo guud ahaan Bulshada uu ka baxay Marxuum Gacma-dheere oo ahaa ganacsade bulshada dhexdeeda caanka ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>