Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Booqday Qaxoontiga Ku Jira Xeryaha Ku-meel-Gaadhka Ah Ee Magaaladda Berbera,Baaqna U Diray Haay’adaha Ku Shuqul Leh Arimaha Qaxoontiga

QAXOONTI(Duulnews)-Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo ayaa maanta wuxuu ku booqday xarumaha lagu nasiyo magaalada berbera dadka qaxootiga ah ee ka soo cararay dagaalka yemen .

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka qaxootiga ah ee Soomaaliland soo gaadhay aanay shicib iyo dowladuba waxba kala hadheyn qaabilaadda qaxootiga jinsiyad kasta .

wuxuu kaloo madaxweynuhu ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah inay taakuleynta looga baahanyahay u fidiyaan dadkaasi sidii ay u gaadhi lahaayeen deeganadoodii .

Soomaaliland ayaa shalay ku dhawaaqday inay dib u fasaxday in qaxootiga somaliyeed ee ka soo qaxaya Yemen ay iman karaan berbera , iyadoo todobaadkii hore ahayd markii ay joojisay somaliland qaxootigu inay yimaadaan somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>