“Madaxweynaha Waxaan Ku Aqaanay Kursi Jacayl Oo Wakhtigii Jabhadaba Dhawr Jeer Ayuu Korodhsaday”.Xasan Guure

xasan-guure(Duulnews)-Guddoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Xasan Guure Jaamac, ayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo ku tilmaamay mid ku caan ah kursi jacayl waxaanu si adag uga hor yimi in xukuumaddu wax mudo kordhin ah ku fakarto.

Sida oo kale  Xasan Guure waxa uu ku hadlay xaalada guud ee dalka, isaga oo ku baaqay in laysugu yimaado shir dib loogu eegaayo sidii loo xalin lahaa khilaafaadka gobalada bariga iyo galbeedka Somaliland. Waxa uu sidan guddoomiyahu ku sheegay wargeysi dhinacyo badan taabanayay oo uu siiyay hadhwanaagnews,  waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan

Guddoomiye dad  badan ayaa is waydiinaaya halka ay madashii ku danbaysay, xagay ku danbaysay


ayaad odhan lahayd

Hadaad inbadan hadasho oo waxba lagaa hoos qaadi waayo marka danbe waad daalaysaa, qoladanina waxay nagu riixayaan hadii hadalka la qaadan waayo waa gacan oo gacantana hada ma joogno laakiin halay ku wadaan  ee ay tagayso ayaa halkaas ah, waliba xan kale ayaa jirta oo ah nimankii miyaa la mustafeeyay ( waxbaa loo dhiibay ), rag wax loo dhiibo waanu ka waaweynahay  oo xiiso uma qabno lacag iyo kursi toona, lacagta waxkhtigeediiba ma joogno kursigana hore ayaanu badankayagu u soo marnay.

Mushilada dhacdayna waxay tahay dadkuba waxay u yaqaanaan qofku marka wax uu sheegayo inuu u jeedo dan shaqsi ah, oo ah wax maalin la cuno iyo calool, dhaqan ayay inoo noqotay qofka siyaasiga ah markuu hadlaayo inuu u hadlo inuu kursi helo amma lacag, qolada jabhada wax la yidhaahdaa waxba looma qaban oo taas ayay ka xanaaqsan yihiin, Sidaadna maaha ee waxaanu diidanahay ee aanu ka hadlaynaa wax aanu cuno iyo kursi nala siiyotoona maaha ee waxa weeye dalku inuu hagaago, Maxamed Siyad Bare waxaanu ula dagaalanay kursi may ahayn, aniguna kursi ma doonayan oo nin ladan oo ganacsade ah oo Hargeysa jooga ayaan ahaa waxba igama maqnayan ee cadaalad daro ayaan ka dagaalamay, umaanu dagaalmayn inuu madaxweyne noqdo nin Isaaq ah iyo mid kale toona imana kala xigaan cida noqonaysaa, waxaynu qurbaha u tagnaa sow cadaalad iyo wax aynu cuno uun maaha, wax la cunayaana ma jiraan hadii cadaalad la waayo ee waa la kala yaacaa uun (rag cadaalad waayay sida cawsha kala yaac), markaas dadka waxaan leeyahay waa halkii hadraawiye (Dib u dhigasho mooyee wax is doorashay may dhicin),  wax is badalay oo dareenkayaga ah ma jirto,waxaanu qaadanayna ma jirto,wax la qabtayna ma jiraan, waxa aanu doonayno oo kursi iyo lacag ahina ma jiraan.

Waxa jira cabashooyin ka soo baxaaya dadka reer Awdal oo dhulkii ugu nabada badnaa Somaliland ahaa, hadana suldaan buuraha galay ayaa jira idinku sidaad u aragtaan?

Waa arimo aanu doonayno inaanu imika anaga iyo xisbiyaduba si guud uga wada hadalno, laba arimood ayaa dalkan haysta oo waxan dhacaayana sabab u ah, midi waa cadaalad daro ku jirta dastuurkeena, waxaynu ognahay in maxkamadaheena ay xukuumaddu amarto,in aynaan xeerarka ku dhaqmin oo waxa tusaale kuugu filan inay iska xidhan yihiin labada jaraa’id ee Haatuf iyo Hubaal oo ah hanti dad ay leeyihiin xeerarkii la baasmareeyay ee madaxweynuu saxeexayna aan lagu dhaqayn,waana waxyaabii aanu ka hadalnay Madal ahaan markii ugu horaysayba oo maanta sadexdii dhadhaar ee ay ahayd inay is miisaamaan mid ayaa wada amarta, dhawaan waxaad arkayseen garsoorii sii daayay Hubaal ee Belal in shaqadii laga eryay, cilada ku jirta xeerarkeenu waa ta keentay in aynaan u sinayan shaqooyinka dalka yaala, waa in masuul ku dhalay ama wax kuu yahay, waynu arkaynaa cabashooyinka waayo intii dalka kuraas macno lahaydba beesha dhexe ayaa haysata, hadaynu cadaalad weyno way burburaysaa Somaliland waana hubaal.

Waxaynu jidaysanay in golayaasha aynu dooranaa ay iska fadhiyaan marka ay mudadu ka dhamaato waana mid xaaraan ah, guurtidii ayaynu arkaynaa oo hada waa gole agoomeed sidii loo taagayna lama soo dooran oo hada waxa buux dhaafiyay oo fadhiya caruur ay aabayaashood uga dhinteen, wakiiladuna waxay fadhiyaan toban sano shan sanona waa la doortay, madaxtooyadiina waxay ku eegtay 26 bisha lixaad isna way ka dhamaanaysaa oo waa buhaal, madaxweynaha waxaan ku aqaanay kursi jacayl oo wakhtigii jabhadaba dhawr jeer ayuu korodhsaday, markii danbena dirqi ayaan kaga kaxaynayiyo tu xun oo hadaan walba odayaashii beeshiisu aanay noo bixin oo aanay joog odhan nagamuu tageen oo SNM inta laysku dilo ayay burburi lahayd, oo guddoomiyayaashii ka horeeyay mid biluu hayay oo waa Axmed Jimcaale, Sheekh Yuusufna waxa uu hayay sanad,Cabdiqaadir Koosaarna in aanu sanadku u dhamaan ayaan u malaynayaa, Siilaanyo laba sano ayaa la doortay deedna intuu dad uun u yeedhyeedhay ayuu Awaare shir lagu qabtay uu sanad ku darsaday, waligiiba waa uu yaqaanay Siilaanyo lugooyada oo waxuu odhan jiray waan daalay ee kaalay meesha qabo oo barigaaba Ibraahin Maygaag AHN ayuu ku yidhi meeshii waan ka tagayaaye kaalay isaga oo Maraykan jooga oo iska ladan sida uu maantaba Muuse Biixi ugu yidhaahdo.Axmed Siilaanyo maalinta ay 26-ka Juun ay gaadho aniga kursiga igama xigo iyo cid kale oo reer Somaliland ah toona.

Intii xukuumadda Siilanayo ay joogtay bariga waxa joogay ciidan oo goob dagaal ayay ahayd, galbeedkiina waatan ka bilaabmatay, markaas labadii dacalba waa ay gubanayaan waxa isku hadhay intii dhaxe oo muranka doorashada ka soo baxa dhibkiisuu leeyahay oo sidii shalay loo kala dul qaatay loo kala dul qaadan maayo, dadku waa neceb yahay runta in loo sheego laakiin wadadeedii waa aynu haynaa, waxaan ku talin lahaa intaan waxaasi iman in shir laysugu yimaado oo lagu dhisto dawlad shuruucda wax ka qabata, doorasho loo siman yahay qabta, cabashada ka soo baxda doorashadana ka garnaqda oo madaxbanaan.

Qolada labda daraf waxaan leeyahay waxii aynu wada samaysanay waa uu qaloocday, sababtu waxay doontaba ha ahaato, dadku hadaanu niyada iyo talada ku heshiis waxba ma wada yeelan karo, qolo qolo xukumi kartaana ma jirto, waxaynu isku xukumi karnaa oo  aynu wax ku dhisan karnaa inaga oo isku nimaadna oo nidhaahna halkay wax ka qaloocdeen, xukuumadda iyo golayaasha fadhiya waxaan odhan lahaa dadka isugu yeedha, hadaad diidaana umaddu way isku imanaysaa oo kursiga kuma fadhiyi doontaan, kurisiga ha sii jeclaysanina yaanay Somaliland idinku dumin ee dadka isugu yeedha.

Labadan daraf ee dagaaladu ka socdaana waxaan odhan lahaa aynu isku nimaadno waxba ma kala noqon karnee, oo hadii aynu nidhaahno aynu sii kala googo’nona waxba noqon mayno, oo xuduud halkee inoo noqonaysa ayaynu ku dawakhaynaa,waxaynu u baahanahay in aynu ka wada hadalno dawlada oo kaliyaata maahee sidii loo wada noolaan lahaa ee loo wada daaqi lahaa.

Waxa jiray go’aan aad hore xisbiyada mucaaradka ah iskula qaadateen oo ahaa inaad dhisaysaan dawlad kumeelgaadh ah hadii mudo xileedka xukuumaddu dhamaado go’aankaasi xagee ku danbeeyay?

Wali waa taagan yahay oo hada ayaanu mar kale ka wada hadlaynaa qaabka loo dhigaaya dawlada wadaaga ah, Kulmiyena waxaanu rajaynaynaa inuu qayb ka noqdo hadii kale waxay noqonaysaa inuu dalku fawdo galo, in xeer dajintii iyo fulintiiba wakhtigii ka dhamaado oo hadana ay meesha fadhiyaan suurto gal maaha, dalkuna dhaxal maaha oo lagama dhiman ee dad ayaa u nool, raga bada isku gurayaa waxay isugu gurayaan marka aabahaa kaaga dhimanaayo kursiga isagu xaguu joogayaa, mar hadii ay sharci daro tahay nina nin ku xukumi maayo sharci daro, horena waanu ugu baaqnay taas hadana waanu ku baaqaynaa.

Hadii uu yidhaahdo doorasho ayaanu qabanaynaa waxaynu ognahay cabashadii doorashadii dhawayd ka soo baxday, waxaad arkaysaa waraaqii dorashada aynu ku galnay in shirkadii soo samaysay la xidhay mulkiilii iyo wiilkiisiiba, waxayna qirteen inay laalush bixiyeen sadex dal oo Afrika ay waraaqaha doorashada u daabaceen, waxa kale oo ay qirteen inay kaadhadh faalso ah raaciyeen oo aan tirada ku jirin, waana tii cabshooyinku ka soo baxeen,markaas hadii doorashada muran ka soo baxo oo aynu ognahay maxkamadeena diiday qabashada cabashooyinka ururadii la reebay, arintaas shalay waa loo dul qaatay ee maanta loo dul qaadan maayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>