Madaxweyne Faroole Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaaladda GAROOWE

 

 

Garoowe: (Duulnews)-Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland,ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.Madaxweynaha ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxa uu ku sugnaa Magaaladda Hargaysa ee Somaliland,waxaana uu kulan Warbaahinta laga qariyay la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo,iyada oo maalintii shalayna uu Madaxweyne Ku-Xigeenku qeddo sharaf ugu sameeyay Magaaladda Hargaysa.

Madaxweyneha ayaa waxa kusoo dhaweeyay Magaaladda Garoowe Boqolaal Dadweyne ah oo wata calanka Maamulkaas iyo Sawiradda Cabdiraxmaan Faroole.

Waxaana ka mid ahaa Siyaasiyiintii halkaas kusoo dhawaysay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland,Gudoomiyaha Baarlamaanka,Wasiiro hore iyo qaar ka tirsan Wasiiradda hadda ka tirsan Maamulka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>