Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Maanta Dalka Kusoo Laabtay

Say(Duulnews)-Madaxweyne ku xigeenks Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa dalka ku soo laabtay maanta 29.04.2015 ka dib safar dheer oo uu ku soo maray Maraykanka iyo Canada, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport Hargeysa maanta.

Waxaana halkaasi kaga hortegay madaxweyne ku xigeenka Xubno ka mida Golaha Wasiirada, Baarlamaanka, Guurtida, Madaxdhaqameedka, Bulshada Qaybeheeda kala duwan isaga oo halkaasi ka hadlayna waxa uu u mahadnaqay madaxweyne ku xigeenku masuuliyiinta iyo bulshada sida diiran u soo dhawaysay waxaanu xog waran ka bixiyey Safarkiisa shaqo ee uu kaga soo laabtay dalka dibediisa, Intaa ka dibna waxa loo soo gelbiyey dhinaca gurigiisa.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>