Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Sheegay In Beesha Caalamku Ay Hagratay Dalka Somaliland

SSSSSSSS(Duulnews)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in horumarka ka jira somaliland ay iska kaashadeen shacabka iyo xukuumadihii kala dambeeyay.

Waxa uu ka markhaati kacay in beesha caalamku ay ka hagratay Dalka Somaliland oo sanadkii 1991-kii dib ugala soo noqday dal weynihii la isku odhan jiray Somalia madax banaanidiisa.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu khudbad ujeedinayay jaaliyada Somaliland ee dalka Maraykanka oo uu booqasho ku joogo.

Waxaana hadaladii uu halkaasi ka soo jeediyay ka mid ahaa “Waxaad og tihiin inay beesha Caalamku ina hagrato runtii oo inaga oo maanta dhawr iyo labaatan sanno

nabad ah ay hadana waxay inaga geliyaan aad u yar yahay oo aad maad marwalba moodo Beesha Caalamka indhahoodu inay ku jeedaan kolba meesha dhibta rebshadda iyo dagaalku ka jiraan inay ku jeedaan. hadana inagu waxaynu halkan ku soo gaadhnay oo aynu maanta halka ku soo gaadhnay oo hay’addahaasi iyo sharciga ku soo dhisanay ee aynu maanta Ciidanka iyo hay’addihii madaxa banaana iyo bulshaddii rayidka aheyd , waxa weeyaan isku tashiga iyo waxeena yar ee aynu isku tashanay”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>