Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb Galay Munaasibadda Qalinjabinta Jaamacadda Timacadde ee Gabiley -

SSSSSSSS(Duulnews)-Madaxwaynaha  Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta ka qayb galay Qalinjabinta dufacadii labaad ee dhamaysata jaamacadda Tima cadde ee magaalada gabiley.

Munaasibadda qalinjabinta oo lagu qabtay hoolka Jaamacada ee magaalada gabiley waxa Madaxwaynaha ku wehelinayay xubno ka tirsan golaha wasiirada ,Masuuliyiinta Jaamacadda Timacade iyo Ardayda Jaamacadda.

Madaxweyne Siilaanyo oo Subaxnimadii ka ambabaxay Hargeysa ayaa Khudbad uu u jeediyay Ardayda qalinjabisay waxa uu ku sheegay inay yihiin hogaanka Umadda Somaliland ee mustaqbalka.

“Waxaanu waalidiinta,Ardayda qalinjabinaysa iyo Macalimiinta iyo inta ka hawl gashaba Bogaadin ayaanu u soo jeedinaynaa.Jaamacaddaha iyo dadka wax ka bartaa waa Hogaamiyeyaashii Dadka iyo dalkan ee Mustaqbalka. Markaa waxay naga mudan yihiin qaddarin iyo Sharaf, Dalka iyo dadkana way ka mudan yihiin.Annaguna dawlad ahaan xilka naga saaran waanu ka gudanaynaa.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha ayaa ka sakow Qalinjabinta Ardayda waxaa la filayaa inuu Xadhiga ka jaro Mashaariico Gobolka Gabiley laga hirgaliyay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>