Madaxweyne Siilaanyo Oo Qasriga Madaxtooyada Uga Yeedhay Saleebaan Gaal Iyo Shir-guddoonka Guurtida+Ujeedada Kulankooda Iyo Muddo Xileedkii Xukuumadda Oo Dhammaaday.

(Duulnews)-Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa goor dhaweyd qasriga Madaxtooyada uga yeedhay guddoomiyaha aqalka Golaha Guurtida Md.Saleebaan Maxamuud Aadan oo la filaayey in uu dalka dibaddiisa u dhoofo xili aan wali wax heshiis ah laga gaadhin khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii ay Guurtidu u samaysay Xukuumadda iyo aqalka Wakiilada, sida oo kalena ay muddo hal maalin ah dhaaftay muddo xileedkii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dastuurku u jideeyey.

 

Sida ay ilo xog-oggaal ahi ay noo xaqiijiyeen, ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu goor dhaweyd qasriga Madaxtooyada uga yeedhay guddoomiye Saleebaan iyo shir-guddoonka aqalka Golahaasi, waxaana ay wararku tibaaxayaan in Madaxweyne Siilaanyo uu doonaayo in uu kala hadlo arrinta muddo kordhinta ee muddooyinkii danbe khilaafka adag ka taagnaa, sida oo kalena la fuliyo heshiiskii asxaabta iyo Xukuumaddu ay ka gaadheen khilaafka ka dhashay dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinka Madaxtooyada iyo aqalka Golaha Wakiilada Somaliland.

 

 

Arrintan oo aan ilaa hada si rasmi ah loo saadaalin karin natiijada rasmiga ah ee ka dhalan karta kulankoodan, ayaa hadana waxaa dabar-weyn Xukuumadda iyo Golaha Guurtida ku ah Xukuumadda Siilaanyo oo hada uu dhammaaday muddo xileedkeedii dastuuriga ahaa oo ku eekaa 26kii Juun ee aynu soo dhaafnay, sida oo kalena aan ilaa hada wax muddo xileed ah oo la isku waafaqsan yahay wali loogu xalaaleyn xilka ay ummadda u hayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>