“Madaxweyne Waxba Kama Qabno Hal Sanno Oo Aad Kursiga Sii Joogto Laakiin, Dadkan Kugu Xeeran Ee Waswaas Iyo Khanaas Labada Dhagood Kaaga Haya Masiirka Umadda Ha Ugu Talo Gayn,” Cali Guray.v

Gurey(Duulnews)-Gudoomiye xigeenka 3-aad ee Xisbiga Ucid, Mujaahid Cali Guray, ayaa farriimo muhiim ah u diray Madaxweyne Siilaanyo, kuwaasi oo ku saabsan inuu daacad ka ahaado doorasho dalkani ka qabsoonta.

Gudoomiye xigeenka Ucid, waxa uu iftiimiyay sababaha ay u ogolaadeen muddada halka sanno ah ee Xukumadda iyo Wakiilada wakhtiga loogu kordhiyay “Anagoo eegayna danta Umadda, anagoo eegayna in Komishanka ay u suuro gasho hawshii qaran ee loo igmaday waxaanu aqbalay halka sanno, inkastoo ay nasiib darro tahay inay jiraan wali dad ka hadlaya oo anaguna aanu u haysano, haddii halka sanno la diido qorshahayagii labaad oo aanay wax ka jirayaa jirayn ee aanu 26-kii June ku soo noqonayno haddii 1 halka sanno wax ka badan la qorshaysto oo umaddaas iyo doorashadaas madaxweynuhu khalkhal galiyo”

Mudane Cali Guray waxa uu farriin ku aadan doorashada u diray Madaxweyne Siilaanyo “Maanta Madaxweynaha ayay hor taalaa Wakhtigii doorashada la qabanayay. Hareeraha waxaa ka jooga kuwo ku leh ha saxeexin, waxaanay tahay in Madaxweynuhu digreeto ku faafiyo Cayimaada doorashada. Laba waxna waa in la kala saaraa, oo waa muddo kordhinta iyo muddadaas sannadka ah sida dalka loo maamulayo, oo aan qayb ka ahayn waxa aanu Komishanka kula heshiinay, Komishanka doorashada uun baanu kala heshiinay, Madaxweynuhuna waa naga qayb ee waa inuu doorashada wakhtigeeda digreeto ku faafiyaa.

Waad Ogaydeen oo Madaxweynuhu mar maaha oo laba maaha oo saddex maaha inta jeer ee isagoo Madaxweyne ah oo umaddu dooratay uu afkiisa ka yidhi waa in Komishanka doorashooyinku soo cayimaan taariikhdii doorashada, Madaxweyne dadka ma been baad u sheegaysay, way soo cayimeene, waxaanu ku leenahay digreetadii ku soo saar taariikhda, umaddana ha is aaminto oo ha kala gadhiisato oo anaguna aanu kalsooni helo, inaad sanad dheeraad ah sii joogtana waxba kama qabno laakiin, dadkan kugu xeeran ee waswaas iyo khanaas labada dhagood kaaga haya Masiirka umadda ha ugu talo gayn. Adigaa masuulkii koobaad ah, waan kula talinayaa, nasteex kuuma aha kuwa aad ka talo qaadanaysaa, dalka nasteex uma ah, anagaa kaaga nasteexsan, sharaftaadu waxay ahayd inaad doorashada ku qabato 26-ka June 2015 oo aad noqoto Madaxweynihii khadka ku soo duway doorashooyinka Somaliland ee ka baxay khadka wakhtigii Rayaale” ayuu yidhi Cali Guray.

Madaxtooyada Somaliland ayaa ilaa hadda ka aamusan qorshaha Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland soo jeedisay ee ah in doorashada la qabto 1-da June 2016-ka. Mucaaradka ayaa walwal badan ka qaba in guurtidu muddo kordhin 2 sannadood ah samayso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>