Madaxweyneha Burundi Oo La Afgabiyay, Kuna Soo Laaban Kari Waayay Dalkii uu ka talinayay

Burundi(Duulnews)-Sargaal ka tirsan Dawladda Tanzania ayaa BBC-da u sheegay in madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza, aanay u suurta galin in uu dib ugu noqoda dalkiisa, si uu ula tacaalo inqilaabka dhacay.

Diyaaradii waday waxa ay dib ugu noqotayTanzania, halkaas oo uu kaga qaybgalay kullan madaxeedka waddamada gobalka Bariga Afrika oo looga hadlayay xaalada dalkiisa. Waxaa loo sheegay in aanay ka dagi karin garoonka Bujumbura oo ay gacanta ku hayaan kuwa afgembiga sameeyay.

Maj Gen Godefroid Niyombareh ayaa ku dhawaaqay in guddiga badbaadinta qaranka la dhisay si ay dalka u maamulaan.

Hase yeeshee, ma cadda inta ay dhantahay taageerada isaga iyo saraakiisha kaleba ay haystaan.

Wararka laga helayo Bujumbura ayaa sheegaya in ciidamada dalka ay u kala jabeen koox taageersan inqilaabka iyo kuwa ka soo horjeeda.Caasimada waxaa xalay laga maqlayay rasaas.

Madaxwayne Nkurunziza waxa uu diiday baaqyadii loo soo jeedinayay ee ku aadanaa in uu ka laabto in uu isu sharaxo markii saddexaad doorasha loo qorsheeyay in la qabto bisha soo socota.

51 jirkan horay u ahaa hogaamiye jabhad waxa uu ku doodayaa in markii koobaad ay baarlamaanku doorteen 2005, sidaas daraadeedna aan loo xisaabinaynin, oo uu xaq u leeyahay labo jeer uu shacabku doortaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>