Magaalada London Oo Lagu Qabtay Kulan Balaadhan Oo Jaaliyada Reer Somaliland Kaga Arinsanayeen Doorashooyinka Soo Aadan Iyo Doorkay Ka Qaadan Lahaayeen.

long(Duulnews)- Shir ka dhacay Hotel ku yaala bariga London oo ay kasoo qayb galeen aqoonyahano, Dhalanyaro ,Safiirka Somaliland ee UK Cali Aadan Cawaale iyo wax garadba shirkaas oo ku kusaabsanaa wacyi galint lagu wacyi galinayo bulshada Reer Soomaaliland ee dagan wadan ka UK si ay uga qayb galaan doorashada inagu soo foole ee kadhici doonta dalka Ingiriiska

bisha shanaad ee sanadkan (May) si ay inoogu fududaato inaynu ku boorino Barlamaanka soo bixi doona inaynu qadayada Soomaliland wax inagala qabtaan waxaa laysla gartay inay tahay fursad wakhtigeedi jooga oo u baahan in laga faa’iidaysto

 

IMG_9633Waxa kale oo laga wada hadlay sidii culays loosaari lahaa xubnaha soo bixi doona una yeelan lahayn cilaaqaad wanaagsan oo bulshada reer

 

 

 

 

Somaliland iyo dalkaba wax u tar.Waxa ka hadlay kulanka dad farabadan oo ka koobnaa bulshada noocyadeeda kala duwan.Qaar ka mid ah xisbiyadda Qaranka Somaliland .

 

 

Waxa lagu balamay in lasii dar-dar galiyo lana wacyi galiyo dhamaan bulshada reer Somaliland ee dalkan degan.Waxa kulanka ka hadlay oo kale Wakiilka Somaliland ee UK Cali Aadan Caawale .Aqoonyahan Cali Saleebaan .Mujaahid Maxamed Yuusuf,Aqoonyahan Maxaded Adan Jamac, (Galaal) Yurub Qaalib Tahar,Cawaale Birin-bir, Axmed Baalaweyne oo ka socday Xisbiga Waddani.

 

Waxa kulanku soo dhamaaday is af garad iyo dar-dar galinta shacabka reer Somaliland ee ku nool kalan Ingiriiska.

Wariye: Mohamed Hassan Daacad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>