Marakankan Oo Soo Bandhigay Dukument-yo Laga Helay Hoygii Usama Binu Laden Ee Dalka Pakistan

dhu(Duulnews)-Marayklanku waxay soo saareen Dokument-yo dhawr oo ah oo laga helay dhismihii hore ee uu deggenaa Hoggaamiyihii hore ee Ururka Alqacida Usama Ben Laden.

Arrintan, ayaa timi markii hore loo sharciyeeyey sharci loo sameeyey hay’adaha sirdoonka iyo dambi baadhista, kuwaas oo bannaayey in waxyaabaha qaarkood la baahin karo.

 

Waxyaabaha la soo bandhigay waxa kamid ah, warqado si toos ah ugu socday Qoyska Usama, buugaag dadka maskaxdoodu kortay ay qoreen, iyo buugaag kale oo ay madaxda ururweynaha Alqaacida qoreen.

 

Waxa la sheegay inuu ka fogaa arrimaha Technology-yada, maadaama uu bogaa in si weyn loo duubayo oo ay hay’adaha sirdoonka maraykanku ku wadaan.

 

Waxa la sheegay inuu hoggaamiyahaasi si adag ula dardaarmay Xaasaskiisa ka hor intii aan la helin sirtiisa oo aan la dilin.

 

Usama bin laden, ayaa la sheegay in dhammaan xidhiiddhada uu la samaynayo saaxiibadiisa iyo kooxaha ay isku aragtida yihiin uu u diiday in xagga internet-ka la isticmaalo, maadaama uu marwalba taxadar ka muujinayey xidhiidhkiisa dhinaca internet-ka ahaa.

 

Badhtamihii sanadkii 2011-ka ayaa maraykanku ku dileen Aqal ku yaalla Magaalada Abitabad ee Dalka Pakistan, iyadoo Goobta laga helayna ay u dhaweyd Saldhig ay ciidamada Pakistan lahaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>