Maraykanka Oo Dawlada Somaliya Siinaya Diyaaradaha Aan Duuliyaha Lahayn

drones1Nairobi(Duulnews.com)-Dawladda Maraykanka ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn siinaysa dawladda Somaliya, kuwaas oo ay dawladda Somaliyana sheegtay inay kula dagaalami doonto kooxda Al-Shabaab, waxaana loo tababarayaa dadkii ugu shaqayn lahaa Somaliya.


Afhayeenka u hadlay dawladda Somaliya Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa wakaaladda wararka ee Xinhua u sheegay in wadamada saaxiibka ama kuwa taageera dawladda ay ka caawin doonaan howlgalada ka dhanka al-Shabaab. Diyaaraddaha drones-ka ayaa hore Soomaaliya ka fuliyey dilal loo geystay saraakil muhiim ah oo ka tirsan ururka al-Shabaab.
Waxase ay dad badani isweydiinayaan sida ay dawladda Somaliya u maamuli doonto diyaaradahaas, maadaama oo ay horeba ugu fashilantay maamulida hub ay dawlado kala duwani ugu deeqeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>