Maraykanka Oo Ka Ladi-kari-waayay Hanjabaad Ay Kooxda Al-Shabaab U Dirtay Wadamada Reer Galbeedka,Sheegayna Inay Dhab-Ahaan Hanjabadaas U Qaadanayaan,Kuna Baaqay Is-kaashi Ka Dhan Ah

bbbbbbb(Duulnews)-Xoghayaha amniga gudaha ee Maraykanka Jeh Johnson, ayaa sheegay inay Digniinta Al-shabaab u qaadanayaa arrin khatar ah oo ku soo wajahan wadamada Maraykanka,Canada iyo Ingiriiska.

Waraysi uu telefishin siiyay ayuu Jeh Johnson sheegay inay dhawaanahan soo baxeen Warar ah in Al-shabaab ku baaqday in dad madaxbanaan oo taabacsan weeraraan Wadamada Reer Galbeedka.

Al-shabaab, ayaa shalay baahisay bayaan xambaarsan baaq loo dirayo dadka Shabaab taabacsan oo lagu dhiiri galinayo inay weeraraan Xarumaha Reer Galbeedka,siiba kuwa Ganacsiga, waxaanay warbixinta ku ladheen Weerarkii westgate ee Nairobi.

Ammaanka ayaa la adkeeyay gobolka Minnesota oo ay degan yihiin Soomaalida ugu badan Maraykanka.Soomaalida Maraykanka ayaa walaac ka qaba in digiinta Al-shabaab iyo feejignaanta Maraykanku muujiyay saamayn ku yeelato.

2013 Al-shabaab weerar ay ku qaaday xarunta dukaamaha ee Westgate ee Nairobi ayaa waxaa ku dhintay in kadan lixdan qof.

Dowladda Djibouti ayaa sidoo kale xidhay xuduuda ay la leedahay Somaliland iyadoo ku andacoonaysa arrimo amaan oo dalkeeda ka dhan ah, hase ahatee Somaliland waxay amaanka ka wada shaqeeyaan wadamada dariska la ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>