Markab Qaxoonti Sida Oo Ku Soo Xidhay Dekedda Berbera

Markab(Duulnews)-Markab sida Qaxoontiga ka soo cararay colaadaha Yemen, ayaa saaka ku soo xidhay Dekedda Magaalada Berbera. Markabka waxaa la socda ugu yaraan 420 qof oo iskugu jira dad reer Somaliland ah, kuwa Somalia u dhashay, Ethiopian iyo kuwo Yemen u dhashay.

 

Masuuliyiinta Heer gobol ee Saaxil, Masuuliyiinta socdaalka iyo saraakiisha Hay’adda Qaxoontiga UNHCR, ayaa halkaasi ku qaabilay dadka soo barakacay,iyadoo dadkaasi la dejin doono xarun ku taala Magaalada Berbera oo ay hore u lahayd Qaramada midoobay. Dadka ayaa halkaasi ku nasan doona kadibna u kala bixi doona meelaha ay ku socdaan.

 

Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cali Cambaro, oo saxaafadda kula hadlay Dekedda ayaa sheegay in dadkan si fiican loogu soo dhaweynayo Somaliland, iyadoo laga duulayo farriin ku aadan soo dhaweynta Qaxoontiga oo Madaxweyne Siilaanyo faray Masuuliyiintiisa Xukumadda.

 

Dekedda Berbera waxaa hore u soo gaadhay Markab iyo laba doonyood oo sida Qaxoonti ka soo cararay Yemen, iyadoo la sheegayo in dadka haatan soo gaadhay Berbera ay ku jiraan Ardadyii dalka Yemen wax ku baran jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>