Marwada koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde ayaa Xarunta Agoomaha ee Hargeysa gaadhsiisay sharaab iyo Buskud ay ugu talo gashay, sidii caadada u ahayd ee ay horeba ugu taakulayn jirtay maalmaha ciida Caruurtaasi yar-yar inay ku ciidaan.

Hargeysa(Duulnews)Xarunta Agoomaha ee Hargeysa caruurta ku jirta shaqaalaha ka shaqeeya martida kale halkan joogta Saxaafada halkan joogta kuligiin waan idin wada salaamayaa ciid mubaarik, Ramadan kariim ilaahay khyerkii ramadantana hayna siiyo ciidana haynooga dhigo midaynu ku faraxno oo ku faakahaysano oo nabad gelyo iyo wanaag inoogu dhacda.
intaa ka bacdi hadal dhaadheeri ma jiro waa intii caadiga ahayd ee maalinta ciida caruurta aanu soo booqan jirnay sharaabkooda nacnaca iyo buskudka ay ku ciidaan aanu u keenaynay uun baan maantana u imi, Alxamdulilaah rabil caalamiin markaan imaadaba halkan farxad baan kala tagaa sababtoo ay tahay sidii markii hore ay ahayd iyo siday haatan tahay ee lasoo gaadhsiiyey ayaa waxaa u dhaxeeya runtii faraq weyn, aad iyo aad waxaan ugu mahad naqayaa shaqaalaha halkan ka shaqeeya Caasha Maxamuud Qaalib iyo inta kale la shaqaysa oo dhan ee Standard-kaa soo gaadhsiisay,
waxaan kaloo u mahad naqayaa Aamina oo imika Caashoo dano gaara u yara tagtay dalka ingiriiska intii maqnayd iyana u wehel yeeshay kartida leh ee halkan jooga caawimo la barbar taagnayd oo Voluntary oon lacag ka qaadan mushahar ka qaadan, Xaruntan runtii usoo dedaashay oo usoo shaqaysay 24- saacadood heegan u ah aad iyo aad baan Aamina Faarax Jirena ugu mahad naqayaa een Caashana illaahay hasoo nabad geliyo iyadoo caafimaad qabta haynoo timaado”
Marwada Madaxweynaha ayaa tidhi markale sidan “ Intaa ka bacdi xaruntan waa tuu imika inanka ku simuhu Saxardiid Muxumed Jaamac inooga sheekeeyey meel dheer bay soo gaadhay, waxaanu sugnay dhulkii xarunta Agoomuhu lahaayeen waxoogaa yar baa hadaan danbiga iska dhawro hada ka maqan intaana dedaal farabadan baanu ugu jirnaa inaanu sugno, way dhantahay xaruntaasi markaa waxay noqonaysaa xarun aad iyo aad u qurux badan oo caruurta waxay baahiyo leeyihiin oo dhan dabooli karta, Aqaladan cusub ee la dhisayo caruurtu way ku kala faakihaysanaysaa kuwa yaryari meel gooniyey lahaanayaan kuwa dhexe meel gooniyey lahaanayaan kuwa roon roonina meel gooniya ayey lahaanayaan,
siduu imika Agaasime ku xigeenku inoo sheegay daryeelka halkan ka socdaa waxay Staff ku dedaalaan anana intii itaalkayagaa aanu ku caawinaa inay caruurta guryaa jooga ee aabaha iyo hooyada lehi waxay helaan iyaguna halkan ka heli karaan, aad iyo aad baa ugu mahad naqayaa ama shakhsi ha ahaato ama Hay’add sida SOS oo kale ha ahaato Camuud Foundation ha ahaato Al-Nuur ah ahaato wax alla wixii xaruntan caawiya ee wax u keena Salaanta caawimo ah”.
Marwo Aamina Waris oo hadalkeeda sii wadata ayaa tidhi “ Caruurta qofka galab soo bariidiya halkaa kubada la yara laadaa waxbuu u taray qofka madaxa u salaaxaa waxbuu u taray, qofka kuwa yar yar ee Baby-gaa ee suuqa laga soo qaado intuu tago is dul taago hablaha iyo dadka haya yidhaahda Jazaalakum kheyr ku yidhaahda waxbuu u taray markaa caruurtuna waa inaga wada dhaxaysaa cid gooniyi malaha waa caruurteenii waa mustaqbalkeenii waa kuwii dalkan insha allaahu bidmilaahi kariim u adeegi lahaa ee wax u noqon lahaa waxtarka u noqon lahaa markaa waajib baa kuligeen inaga wada saaran, waxaan ilaahay ka baryayaa inuu inoo sakhiro, inagana illaahay inoo sakhiro oo ay noqdaan caruur edeb leh akhlaaq leh oo dalkooda iyo diintooda iyo dadnimadoodaba wax u taransan kara,.
markay SOS oo kale gelayaan iskuulada dawladaba gelayaan Jaamacadaha qaar baa ku jira shalay Gabiley markaan tagay ilaa Jigjiga qaarbaa ku jira oo ka baxay markaa caruurta Opportunity-ga marka la siiyo Illaahaybaa og waxay noqonayaan ka u sareeyaa ka uu dhalay iyo kaa aynu halkan ku korinay ka dalkan anfacaaya ee wax u taraaya illaahay baa og markaa waa inaynu fursad siino caruurtu wixii aan iyagu fursadii waalidku u hayey illaahay ka qaaday, illaahay inama kala jecela midna wuu ka qaaday midna wuu u daayey mid uu u shaqo tegayoo raashinkuu usoo diyaariyaa midna wuu ka dilay kuwuu ka dilay inteena kalaa masuul ka ah waa inaynu xil iskawada saarno haday tarbiyadooda tahay haday dhaqaalahooda tahay haday wax u tarkooda tahay qof waliba u qaato inay masuuliyadi ka saaran tahay aad iyo aadna waad u wada mahadsan tihiin Especially Shaqaalahaan aad ugu mahad naqayaa haday Askarta ciidanka ee ilaalisa halkan nabad gelyada sugta, haday tahay caruurta yara roon roon ee kuwa kale ka yar yar u naxa ee ilaaliya waan u mahad naqayaa shaqaalaha waan u mahad naqayaa idinkiinan saxaafada ee maanta wanaaga halkan ka socda u yimi inaad idinkuna ka qeyb qaadataan waan u mahad naqayaa aad iyo aad baad u mahadsan tihiin.
Wa Bilaahi Tawfiiq.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>