Masuuliyiin Madaxweyne Siilaanyo Hogaaminayo Oo Odayaal Qaranka Magac Ku Leh Guryahooda Ku Bookhday

yyyyyy(Duulnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guryahooda ku booqday saddex oday oo qaranka magac iyo taariikh weyn ku leh oo xannuunsanaya gelinkii dambe ee maanta.

Odayaasha Madaxweynuhu ku booqday guryahooda magaalada Hargeysa waxay kala yihiin; Maxamed Cabdi Arabay, Maxamuud Dhool-dahable iyo Maxamed Cabdi Iskeerse oo saddexdooduba u jiifa xannuun.

 

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu odayaashaas Ilaahay uga baryey caafimaad iyo inuu cudurka haya ka dulqaado.

Booqashada Madaxweynaha oo laga qariyey saxaafadda waxa ku wehelinayey marwada 1aad marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Aamina-weris), Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye iyo xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marreexaan), kuwaas oo iyaguna dhammaantood Ilaahay uga baryey odayaasha sharafta leh in xannuunka ka kor qaado, caafimaadna ugu beddelo.

Odayaasha xannuunsanaya ee Madaxweynuhu guryahooda ku booqday waxa ay ka mid yihiin xubnaha ugu miisaanka culus ee mus-dambeedka u ah xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>