Maxaa Ka Jira Inay Shirkad Somaliland Dayn Ku Lihi Marakaynka Dacwad Ka Furatay….Maxaase Ay Wasaarada Arimaha Dibaddu Ka Tidhi?

uuuuu(Duulnews)-Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa horraantii sanadkii 2014-ka heshiis la saxeexatay Hay’ad lagu magacaabo Mercury Public Affairs, oo fadhigeedu yahay Maraykanka. Heshiiska ayaa ku saabsanaa sidii Hay’addan oo talooyin ka bixisa Hanaanka Diblomaasiyadda iyo isku soo dhawaynta xidhiidhada dalalku ay Somaliland uga caawin lahayd Xidhiidhkeeda Maraykanka iyo ku qancinta Xukumadda Maraykan Qaddiyadda Somaliland.

Haseyeesheee, Warbaahinta Maraykanka ayaa baahisay in Hay’adda Mercury Public Affairs, Qoraal Cabasho ah gaadhsiisay bishii todobaad ee sanadka tagay Wasaaradda Caddaaladda Maraykanka kuna sheegtay in Somaliland siin weyday lacag dhan Todoba iyo labaatan kun, Todoba boqol iyo toba iyo lixdan Doolar($27,767.65).Lacagtan shirkaddu sheegtay inay Somaliland kuleedahay ayaa ah Khidmadda hawlihii ay Somaliland u qabteen 6-dii Bilood ee u horreeyay sanadkii tagay ee 2014-ka.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Lacagtaasi iyo heshiiska Mercury jiro balse aanay ilaa hadda ka hayn wax hawl ah oo ay Somaliland u qabteen “Way jirtaa Lacagta ay sheeganayaan Mercury, balse ma jiraan hawlo ay noo qabteen.waxaanu wali ka sugaynaa caddaymo dheeraad ah” ayuu yidhi Wasiirka oo wargayska Himilo la hadlayay.

Wasiirku waxa uu sheegay inay dhamaynayaan hawlaha u dhexeeya Hay’adda Mercury “Heshiis ayaa noo dhexeeya Mercury, xidhiidh fiicana waanu leenahay, waanu dhamaan doonaa arrinkani” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku ma sheegin wax hawl ah oo ka fulay ololaha Shirkaddan u fudaynaysay Xidhiidhka Maraykan ay la yeelanayso Somaliland, sidoo kalena ma caddayn waxa curyaamiyay heshiiska labada dhinac balse Hay’addan ayaa wadamo badan ka taageerta dhinaca diblamaasiyadda iyo xidhiidhka dalalka.

Wariye: Mohamed Hassan Daacad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>