Maxkamadd Ku-Taalla Dalka Koonfur Afrika Oo Amartay In Aanu Dalka Ka Bixin Madaxweyne Al-Bashiir Oo Dalkaasi Shirka Midawga Afrika Kaga Qeyb Galaya Magaaladda Johannesburg

 

Johannesburg: (Duulnews)-Maxkamad ku taala dalka Koofur Afrika ayaa soo saartay amar ku meel gaadh ah oo madaxweyna Al-bashiir ka hor istaagaya inuu dalkaasi ka baxo.

Maxkamadda ayaa sheegtay in madaxweynaha ay waajib ku tahay inuu dalkaasi joogo illaa go’aan laga gaadhayo dalabka ICC ee ah in lagu wareejiyo iyo inkale.

Maxkamadda Koofur Afrika ayaa dooneyso inay go’aan ka gaadho haddii ay xidhayaan oo ICC ay ku wareejinayaan iyo inkale.

Mr al-Bashir – oo hadda ku sugan magaalada Johannesburg oo uu uga qeybgalaayo shirka midowga AFrika, ayaa waxaa dacwad ku oogtay maxkamadda dembiyada caalamka ee ICC oo ku eedeyneysa inuu dembiyo dagaal geystay.

Midowga Afrika ayaa horey u diiday inuu arrintaasi ICC kala shaqeeyo.

Laakiin, xubin ahaanta Koofur Afrika ee ICC, waxaa waajib ku ah in Al-Bashiir ay xirto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>