MEYDAD & DHAAWACYO LA GEEYAY ISBITAALKA BELEDWEYNE

BALADWAYNE o7fEB15(Duulnews)Wararka ka Imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Halkaas uu Saakay Dib ugu Qarxay Dagaal u dhexeeya Laba Malleyshiyo Beeleed.

Beelaha Dagaallamaya ayaa la sheegayaa in ay isku Hayaan Maamulka Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada, taasoo ay Deegaan ahaan Wada Degganyihiin, Balse ay Maamulkeeda Beeli ku kali Noqotay sida Dadka Deegaanku Warqaad.org u Xaqiijiyeen.

Ilaa 2 qof ayaa lagu Warramayaa Dagaalka Saakay ka dhacay Beledweyne in ay ku dhinteen Halka ay Dhaawacmeen 5 kale, kuwaa oo dhamaantood la Geeyay Isbitaalka Weyn ee Magaalada Beledweyne.

Shalay ayuu Dagaalka Labadan Beelood si Toos ah u Billowday, Maamulka Gobolka, kan Degmada iyo Ciidamada AMISOM ayaan Midkoodna Tillaabo usoo Qaadin Dhinacyada Dagaallamaya, si ay ugu yaraan u Wada hadalsiiyaan.

DFS ayaa Looga Fadhiyaa Xallinta Colaad Beeleedka ka Billowday Gudaha Magaalada Beledweyne, kaasoo Jaray Guud ahaan Ganacsigii iyo isu Socodkii Xaafadda uu ka dhacayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>