Mooshin Hoos Loogu Dhigayay Tiradda Riddi Karta Maayaradda Dalka Oo Maanta Golaha Wakiiladda La Horekeenay Oo Dhicisoobay

Golaha-600x450(Duulnews)-Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiiladda oo uu Shir-gudoominayay Gudoomiyaha Golahaasi,ayaa waxa Golaha La horkeenay Mooshino wax-kabadal loogu samaynayo,isla markaana hoos loogu dhigayay Tiradda Xildhibaanadda Golayaasha Deegaanka ee riddi kara Maayaradda Magaalooyinka Dalka.

Fadhiga maanta,oo ay kasoo xaadireen 52 Mudane,ayaa waxa la galiyay Cod gacan taag ah loo qaadayo wax-ka-badalka iyo kaabista Xeerka,waxaana ogolaaday in wax-ka-badal lagu sameeyo 22 Mudane,halka ay 25 Mudanena diideen,gudoomiyihuna aanu codayn,waxaana halkaas ku jabay mooshinkii wax-ka-badalka iyo Kaabista ee Golaha la horkeenay.

Dhinaca kalena,waxa talaabadda ay kaga fal-celin doonaan Xildhinaabadda Golaha Wakiiladdu go’aanka mooshinka maanta la horkeenay si weyn ugu dhegg-taagayay Maayaradda iyo Xildhibaanadda Golayaasha Deegaanka ee dalka,oo si weyn loo saadaalinayay inay saamayn taban ku yeelan doonto Maayaradda,hadii ay Golahu Maanta meel-marin lahaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>