“Mucaaradka Mar Walba Wada Tashigu Wuu Noo Furan Yahay” Madaxweyne Xigeenka Somaliland

SaaaSaaa(Duulnews)-Madaxweyne xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa dabacsanaan u muujiyay Mucaaradka, sheegayna inay diyaar u yihiin in laga wada tashado muranka

siyaasadeed ee jira iyo muddo kordhin Xukumadda loo sameeyo.

Madaxweyne xigeenka oo Wargeyska Jamhuuriya wax ka waydiiyay aragtida Xukumadda ee baaqa Mucaaradku ku dalbanayo talo qaran ka hor 26-ka June waxa uu yidhi “Mucaaradka mar walba wada tashigu wuu noo furan yahay, wax aanu kala cararaynaana ma jiro, sababtoo ah dano ayaa naga dhexeeya oo waa dhinacyada ay khusayso dorashooyinku”

Madaxweyne xigeenka ayaa sidoo kale meesha ka saaray inay mucaaradku ula yimaadeen wax wadatashi ah “Ma jiraan wax dalab ah oo ay noola yimaadeen Xisbiyada Mucaaradku. Dabcana ma jirto wax mushkilad ah oo ku jirta inaanu wada hadalno xisbiyada Mucaaradka”

Madaxweyne xigeenka oo la waydiiyay sida uu u arko inay Mucaaradka kala tashadaan muddo kordhin Xukumadda loo sameeyo waxa uu yidhi “Wixii talo ah diyaar ayaanu u nahay in aanu markasta ka wada hadalno xisbiyada mucaaradka, kana wada tashano(Muddo kordhinta)”

Isbahaysiga Mucaaradka ee ka kooban Labada Xisbi iyo Madasha ayaa dalbanaya in laga wada hadlo wixii laga yeelayo xukumadda iyo wakiilada 26-ka June kadib maadaama aanay doorasho dhacayn.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>