“Muddo Afar Sano Ku Dhow, Ayaa Xukuumadda Hadda Joogta Lagu Wareejiyey Dal Iyo Dad Nabad Ah Oo Mideysan Iyo Soohdimihii Dalka Oo Sugan. Maanta Waa Loo Jeeda Dildilaac Dalka Ka Muuqda” Cali-Sanyare

ggggggg(Duulnews)-Wasiirkii qorshaynta iyo xidhiidhka caalamiga ah ee xukuumadii Rayaale Md. Cali Ibraahim Maxamed (Cali-sanyare), ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay inay xukuumadiisu kala daadisay isku xidhnaantii iyo isku duubnimadii Somaliland ee uu Madaxweynihii hore ku

wareejiyay markii uu doorashada KULMIYE ku guulaystay. Waxa uu si qoto dheer uga hadlayaa Xaaladdaha Gobolka Sool iyo Awdal.

Mudane Cali Sanyare oo Waraysi lala yeeshay ku guda jira waxa la waydiiyay Aragtidiisa Awdal waxa uu yidhi “Waxaan u arkaa nasiib  darro weyn. Muddo afar sano ku dhow, ayaa xukuumadda hadda joogta lagu  wareejiyey dal iyo dad nabad ah oo mideysan iyo soohdimihii dalka oo sugan. Maanta waa loo jeeda dildilaac dalka ka muuqda dhinaca walba. Kuwaas,oo intooda badan,ay keentay siyaasad xumo ay ku dheehantahay isku-joojin la’aan iyo tixgelin la’aan tabashooyinka bulshada qaarkood. Haddii caqli fayow oo xaliya arrimaha ka taagan gobolada darafyada la helin, waxay horseedi karaan nabadgelyo darro. Waxaan qabaa, inta ay doonto Somaliland ha ku qaadatee, in khilaaf walba wada hadal lagu  dhameeyo. Wuxuu caqliga saliimka ahi Ina farayaa in aan bulshada, si sahlan , ciidan loogu adeegsan,iyadoo lagama maarmaan noqota mooyee,sida haddii weerar hubeysan lagu soo qaado cidanka .Markaas wuxuu ciidanku xaq  u yeelanaya inuu is-difaaco.

Dadka siyaasadda qaada-dhiga waxay qirayaan in lab qodob oo ah farsamo  xumo xukuumadeed ay  murgiyeen arrimaha ka taagan labaad gobol. Waa ta Laascaanoode, waxa la sheegay,ka hor  shirkii khaatumo ee Taleex lagu qabtay 12kii Janwari,2012, in qaar ka mid ah koooxda loo yaqaano lixdii aasaasayaasha khaatumo ay kula kulmeen Madaxweynaha Somaliland  Hoteelka Sheraton ee Addis Ababa. Waxay ka dhaadhiciyeen Madaxweynaha in shirkoodu yahay mid beeleed, sidii kii ka dhacay magaalada gar-adag, danta  guud ee Somalilandna aannu ka horimaneyn. Isagoo ku qancay warka la siiyey ayuu Madaxweynuhu ku barakeeyey.

Markii ujeedada shirku soo ifbaxday ee bulshaduna kacday, jawaabta Madaxtooyadu

waxay mar kasta ahayd”shirka Taleex waa shir beeleed  ay xaq u leedahay beel kasta oo Somaliland ahi inay qabsato.”Hase ahaate, markii shirweynihii Khaatumo uu caddeeyey ujeedadiisii ayey xukuumaddu  ku ambabartey sidii loo marin habaabiyey oo ay ciidan u saartay. Waxaa iyana sheegis mudan in qofkii fududeeye shirka labada dhinac uu ahaa qof mansab muhim ah u hayey dalka wakhtigaas.

Waa ta Awdale, taariikhda Somaliland wuxuu gobolku  kaga yaal baal dahab ah. Waa gobolkii martiqaaday shirkii labaad ee beelaha somaliland. Waa shirkii lagu doortay Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Eebe janadii fardowsa ha  ka-waraabiyee . Waa Madaxweynihii  tiirarka dawladnimo u taagay Somaliland. Waa shirkii u horseeday dimoqraadiyada  somaliland. Bulshada Somaliland way kawada dheregsantahay wax ka socda gobolka . Waxa caddeysay xukuumadda, waxaana sii-Iftiimiyey dhibaatada Suldan Waber,xildhibaanada Golaha Wakiilada ee ka soo jeeda  gobolka ,masuuliyiin kale oo fara badan oo ay ku jiraan salaadin, aqoonyahano, iyo waxgarad.  Waxay dhamaantood isku-raaceyn in qadaris la’aani dhibaatada keentay. Tasoo ka timid dhinaca xukuumadda  markii ay ka gaabisay tixgelinta tabashooyinkooda muddo aad u dheer oo saddex sano ku dhow.

Xukuumaddu way qiratay in aan weli tabashooyinkii gobolka laga jawaabin, Inkasta oo ay ku dartay in guddi wasiiro ahi ay arrintan faraha ku hayaan. Waxa marag ma doonta ah in gadoodka gobolka  ka jira uu sabab u noqon  karo  tixgelin la’aanta ka timid dhinaca xukuumadda ,iyadoo arrimo kale oo  hadda cadeyn  soo  if-baxaan mooyaane. Waxaan kula talin lahaa bulshada reer Awdal inay is-dejiyaan oo ay nabadgelyada ilaaliyaan. Nabadgelyadu waa inugu qaali,Waa inoo wada dan.Marka nabadgelyada la waayo ayaa nimcadeeda la gartaa, fartana dhexda laga qaniina. Madaxdhaqameedka , waayeelka ,waxgaradka iyo aqoonyahanka  reer Awdal xilkoodii taariikhiga ahaa way kasoo baxeen. Waxaanay ku caddeeyeen go’aanadii ka soo baxay shirkii dooxada  Geb lagu qabtay. Hase ahaatee, waxa loo baahanyahay in dhalinyarada la gadoodiyey loogu celceliyo qiimaha nabad lago soo toosaa leedahay. Waxay dhalinyarada somaliland,oo ay ku jiraan dhalinyarada Awdal,indhaha-ku soo-kalaqaadeen dal nabad ah, barwaaqeysan,inkasto wax badani ka dhimanyihiin, iyo jaamicado.shaqeynaya. Magaran karaan dhibaatada loo soo marey hadda halka la taagan yahay., iyagoo loo sheego mooyee.

Waxaan kaloo jecelahay in aan xasuusiyo reer Awdal Inay dalkan xukumeen muddo todoba sano ah,loogana fadhiyo Inay markale xukumaan. Ila maalintii Somaliland xoriyadeedii la soo noqotay wuxuu gobolku ku fadhiyey kursiga labaad ee dalka ugu sareeya  .Kuwa  u hinqiltaagaya SOMALIYA, malagayaaba Inay fursadahaas oo kale ka heli karin soomaliya.  Khibradii SOMALIYA  aynu ku  baranay waxay ahayd dal bulshadeedu, gaar ahaan ,kuwa isbidaya tiro-badni  ay   yihiin kuwo iyana wax-isku-ogoleen, cid kalena wax u ogoleen. Waxa kaloo, iyana xasuus mudan, markii Mudane Cabdi Xasan Buuni ( alle janadii fardowsa ha ka waraabiyee) uu ka noqday ku-xigeenka rai’isal-wasaaraha SOMALIYA sanadkii 1960kii  wuxuu ku helay magaca Somaliland iyo midnimadii xisbiyadii  SNL/USP ee Xamar lagu tegay. Ra’iisal wasaarihii somaliland, Mudane Moxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,wuxuu xukuumadda wakhtigaas ka noqday Wasiirka Difaaca. Maanta ma ahayn cadho xukuumadda aad u qaadeen  awgeed in taariikhdii  la soo maray aad ku ilowdaan oo xubno la odhan karo  waa dhalaan dhalad ku hadaaqaan hadalo aan hore looga baran bulshada Awdal ee ka midka ah bulshooyinka ugu  taariikhda iyo xadaarada weyn geeska Afrika. Waxa jirta maahmaah  somaliyeed oo tidhaa: “Oodi ab ka dhow .” Marka haddii aad is-hirdideen qolooyin aydaan isku ood ahayn, aqoonta  xadaaradiina iyo macaamilkii soo jireenka ahaana wax uga dhimanyihiin, xaal weyn ayaannu  idinka siinay. Bulshada somaliland waa idiinka graabeysa tabashooyinkiina.Hadaba,idinkuna ka saara hadalka intii aan laaqika ahayn.

Waxaan jecelahay in aan waxooga  tusaaloyin iyo talloooyin ah u soo jeediyo Suldaan Waber. Suldaan ima taqaanide aan isku ka sheegee waxaan ah nin aan da’yarta biqleysa ku jirin,waayo aragna ah . Ilaa wakhtigii aynu Somaaliya is-raacneyna jiray oo shaqeyneyey. Inaan kaa weynahay ayaan  filaya. Aan kuu faanee ,waxaan ahay  nin tol iyo xigtaba ku leh gobolka Awdal. Bulshada Awdalna jecel. Markaan  ku soo wareystay, waxay dadkii isku-raaceen inaad tahay Suldaan haybad leh,milgaha saldanadana dhowra oo urursan. Jifadaaduna kugu  kalsoontahay. Suldaan waa la arki jiray Suldaan fiicnaa oo markuu xanaaqo ama dhibaatadii kabadato mar keliya  isbedela oo falaagooba. Horeyna, somaliland way uga dhacday, cahdigi xukunka Madaxweyne Moxamed xaaji Ibraahim Cigaal .

Markuu Suldaan falaagoobo waxa , inta badan durbaanka u tuma,dad dano gaar ah ka leh Isku dhaca Suldaanka iyo kolba xukuumadaas joogta,aworkooda siyaasideedna ku kacsada ,iyagoo u balanqaadaya Suldaanka kharashka ku baxaya dhaqdhaqaaqyada . Laakiin markii la heshiiyo, waxay dhibaatooyinka dhacay oo dhan dhabarka u saaraan Suldaanka, bacdama uu  yahay masuulka kowaad ee bulshada la kiciyey. Sidii hore looga bartey, haddii bulshada kacsani  dagaal loo horseedo waxay kusoo laabtaan magaalooyin burbursan iyo  iyagoo dhinac walba dib-uga- dhacsan, noloshana  alif ka soo .bilaabaya.  Waxaan markaas kugula talin lahaa KOW la tasho salaadiintii hore tutaha u gashatay si aad u ogaatid xumaan iyo samaaanba waxay ka dhaxleen amase ka faai’ideen.

LABA, naftaada iyo noloshaada cidhiidhi, silic iyo buura gal ha gelin uma qalantidey.SADDEX, taariikh xumo ha ku gelin arrin laga wadahadli karo,miiska dushiisana lagu dhameyn karo. AFAR, mar haddii bulsho la xasuuqey ama la barakiciyey ama dhibaato kale  loo geystay aanay jirin oo waxaad ka hadashey uu ahaa siyaasad la xidhiidhta sami qeybsi,fadlan Suldaan arrinta  deji oo miiska wadahadalka soo fadhiiso. Haddii aad nabada , colaad ka doorbidid, adiga iyo nasiibka. Hore ayaa loo yidhi,”dagaal wiil kuma dhashee ,wiilba ku dhinta.”

Wariye: Mohamed Hassan Daacad

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>