Musharaxa Ucid Oo Golaha Wakiilada Ugu Baaqay Inay Sameeyaan Xeerkii Lagu Dooran Lahaa

jjjjjjjjjjjjjjjjjjjjj(Duulnews)-Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen,ayaa Aqalka wakiilada ugu baaqay inay sameeyaan Xeerkii lagu dooran lahaa, maadaama aanu shaqaynayn Xeerkii 2005-tii lagu doortay oo ahaa mid wakhtigaasi uun la isticmaalayay(One time use). Waxa uu ku baaqay in maadaama wakhtigu yar yahay ay waxka bedel iyo cusboonaysiin ku sameeyaan Xeerka 2005-tii lagu doortay wakiilada ilaa hadda fadhiya.

 

Jamaal Cali Xuseen, waxa uu tilmaamay inaan Golaha wakiilada iyo Shir gudoonkooduba diyaar u ahayn doorashada “Waxaan leeyahay Golaha wakiilada waa inaad samaysaan Xeerkii Doorashooyinka Wakiilada, waana inaydaan samayn xeer isqabqabsi keenaya” ayuu yidhi Mr Jamaal.

 

Jamaal Cali Xuseen, waxa uu sheegay in Golaha wakiiladu doonayaan inay sida guurtida iska fadhiyaan oo aanay doorasho galin “Golaha wakiiladu dantooda ayuun bay ka fikireen, oo waxay samaysteen Xeer u saamaxaya inay hal sanno Mushaharkii qaataan marka Xilku ka dhamaado” ayuu yidhi Mr Jamaal.

 

Jamaal Cali Xuseen oo Khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Jamhuuriya ayaa Xukumadda,Xisbiyada,Baarlamaanka iyo Komishanka ugu baaqay in doorashada loo diyaar garoobo lagana fogaado waxkasta oo carqalad ayn kara.

Wariye: Mohamed Hassan Daacad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>