Muuse Biixi-ga Xisbiga KULMIYE Oo Shacabka Reer Somaliland Ka Tacsi-yadeeyay Geeriddii Naxdinta Lahayd Ee Ku Timid Caaqil Ibraahim Shaybe

Hargaysa: (Duulnews)-Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Md, Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiranyo leh u

dirayaa qoyskii,Eheladii, Asxaabtii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Chief-caaqil

Ibraahin Maxamed warsame (Ibraahin Shaybe ) oo ka mid ahaa madax-dhaqameedka

waawayn ee dalka..

Waxa kaluu tacsi u dirayaa dhamaan halgamayaashii SNM si gaarana wuxuu uga

tacsiyaynayaa Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Md, Axmed Maxamed Silanyo

Marxuumku wuxuu door laxaad leh ka soo qaatay Halgankii xoraynta dalka ee SNM iyo

nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka isaga iyo qoyskiisa reer shaybe oo qoys halgameed,

waxa kaloo ahaa shakhsi ku caan ahaa nabadaynta khilaafyada beelaha soo kala dhex

gala , Alle haw naxariistee marxuumku wuxuu ahaa Adoon Alle ka cabsi iyo cibaado

badnaan ku caan ahaa.

Gabagabadii wuxuu Alle uga baryayaa inuu marxuumka janadii fardawsa ka waraabiyo

Ehelkii,qarabadii iyo Asxaabtiina samir iyo iiman ka siiyo.

INNA LILLAHI WA INNA ILLAYHI RAAJUCUUN

Mustafe Iid Maxamed

Agaasimaha Xafiiska Xarunta dhexe iyo Xadhiidhka saxaafada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>