“ Muuse Ilaa Hadda Lama Hubo Inuu Yahay Gudoomiyaha Rasmiga Ah Ee KULMIYE..” Axmed Muumin Seed

 

Hargaysa:(DUULNEWS)-Gudoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,Md. Axmed Muumin Seed,ayaa si adag uga jawaabay hadalo maalintii shalay kasoo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE oo uu ku durayay hogaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Axmed Muumin Seed oo maanta waraysi siinayay Tv-ga Madaxa banana ee HCTV,ayaa waxa uu su’aal galiyay Sharci-nimadda Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE,waxaana uu sheegay inay si waafi ah Xisbi ahaan ugu jawaabi doonaan marka ay soo cataato sharci-nimadda Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE,Md. Muuse Biixi Cabdi. “ Muuse Ilaa hadda lama hubo inuu yahay gudoomiyaha rasmiga ah ee KULMIYE ama musharaxii Madaxweynaha inuu yahay.waxaan leeyahay Muuse intaanad u Jawaabin Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waa gudoomiye iyo musharax ay 100% Taageerayaashiisu gudo iyo dibadba taageersanyihiin,ahna gudoomiye sifo sharci ah lagu doortay. Muuse marka uu musharax noqdo ayaanu u jawaabi doonaa.nabaradii hore ee Somaliland ka heshiisay ee dagaalkii Sokeeyaha ayuu runtii Muuse xoqayaa,taasna maanta Somaliland uma baahna.Somaliland waa qaran madax banana,waxaana la rabay in maanta doorashadda uun loo diyaar garoobo”. Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>