Nicolas Key Oo Iska Difaacay Eedo Loo Jeediyay

 

Mr.-Nicolas-Key-525x330.jpg(Duulnews)-Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa BBC uga warramay hiigsiga 2016ka, qorshaha samaynta maamul goboleedyo federal ah, iyo in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhici karto Somaaliya.

 

Wuxuu kaloo ka jawaabay dhaliilo loo jeediyey oo ah inuu si aad ah faraha ugula jiro siyaasadda Somalia.

 

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Nicholas Kay, ayaa sheegay in aysan u muuqan in waqti kordhin loo samayn doono dowladda hadda ka jirta Somaliya , oo ay tahay in in ay dhamaysato wakhtiga loogu cayimay dastuurka federaalka.

 

Waraysi uu siiyey BBC-da laanta afka soomaaliga ayuu Nicholas Kay waxa ku sheegay in mudada ay ku

 

 

 

 

egtahay dowladda haatan jirto lagu qayaxay dastuurka federaalka sidaasi darteedna aanu haatan qorshuhu ku jirin in mudo kordhin loo sameeyo dowladda federaalka.

 

Nicholas kay waxa uu intaasi ku daray in uu ku kalsoonyahay hoggaamiyaasha soomaliya oo u sheegay in ay ka go’aan tahay in ay u hoggaansamaan mudada loo qabtay dowladda federaalka eek u ega septembar 2016-ka.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>