Nuxurka Khudbad Sannadeeda Madaxweyne Siilaanyo Oo Uu Kaga Hadlay Doorashooyinka, Arrimaha Dibadda, Dekedda Berbera, Xaaladda Yemen, Puntland iyo Arrimo Kale

Siilaanyo Maanta(Duulnews)-Khudbadani waa tii Shanaad ee Dastuuriga ahayd, oo aan ka hor-jeediyo Labada Gole, muddadii ku dhawayd shanta sanno ee aan Dalka Madaxweynaha ka ahaa.

Muddadaa, Qarankan waxaa u qabsoomay horumar ballaadhan oo saamayn iyo isbeddel weyn ku soo kordhiyey nolosha bulshada. Waxyaabahaas oo ay ka midyihiin mashaariicda kala duwan ee biyo gelinta dalka ka socota, gaar ahaan ballaadhinta biyaha Caasimadda, oo yoolka-yagu yahay in badhtamaha sannadka 2016-ka oo ay cabi doonaan 90% dadka ku nool. Dhinaca Waxbarashada iyo Caafimaadka, waxaad ogtihiin in kor-u-kac xoog lehi uu ku yimi tayo ahaan iyo tiro ahaanba.

Dhinaca Kaabayaasha Dhaqaalaha, waxa aan xoogga saarnay dhismaha waddooyinka gudaha magaalooyinka iyo kuwa isku xidha Gobollada Dalka. Kuwaasoo gaadhaya illaa 300 Kilometer. Waxaana noo qorshaysan sannadkan dhismaha 100 Kilometer oo kale. Sidoo kale, waxaa dalka laga hirgeliyey laba garoon diyaaradeed oo caalamiya (Berbera iyo Hargeysa).

Waxaanu yagleelnay dhismayaasha 30 Xaruumood oo isugu jira Wasaarado iyo Hay’ado, kuwaasoo oo beddelay dhismayaashii gaboobay ee Ingiriisku innooga tagay.

 

Horumarkaas aynu xaqiijinnay wuxuu ku suura-galay nabadgelyada EEBEHEEN inagu galladay iyo isku duubnida Xukuumadda iyo Shacbiga Somaliland.

 

Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka

 

Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal,

 

Waxaa aynu joogna xilli ay inoo qorshaysnaayeen Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada. Haseyeeshe, waxa ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka Qaranka hindise ay ka muuqato in doorashooyinku wakhtiigoodii dhaafayaan. Waxa aan halkan ka caddaynayaa, horena idinku sheegay in Aniga, Xukuumadayda iyo Xisbigaygaba aanu si dhab ah ugu hawlgalnay in ay doorashooyinkaasi ay wakhtigii loogu talo-galay ay ku qabsoomaan.

 

Walaalayaal, hawlaha nagaga aaddanaa Doorashooyinka waxaa laf dhabar u ahaa saddex qodob:

 

  1. Diyaarinta Sharciga Diiwaangalinta Madaniga ah iyo Cod-bixiyayaasha.
  2. Saamiga Dawladda ee dhaqaalaha Doorashada iyo Diiwaangelinta.
  3. Magacaabidda Komishanka Doorashooyinka Qaranka

 

Waxan idiin caddaynayaa in aanu dhammaan qodobadaas ku fulinay wakhtigii munaasibka ahaa ee sharcigu tilmaamay.

 

Haddana, waxaa muuqata in uu dib-u-dhac jiro. Waxaan leeyahay “Nin reer u weyni sida uu wax u ogyahay uma wada sheegee, cidda eeddaa yeelata way soo bixi doonta”.

 

Waxaan ku kalsoonahay inay Somaliland xaalad kasta oo timaadda kaga gudubto wada tashi, isu dul-qaadasho, is-qancin iyo wada jir. Sidaa darteed, dhammaan dhinacyada ay arrintani khusayso oo dhan (Mucaarid iyo Muxaafidba); waxan u soo jeedinayaa in aynu wada tashi iyo walaaltinnimo aynu ku dhammaysanno arrimaheena, innaga oo sharciga ixtiraamayna. Walaalayaal, waxaa waajib innagu ah, inaynu wax walba ka hor marino danta Qarankeenna.

 

Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal,

 

Sidaad ka war hayseen, labadii sanno ee ugu dambeeyey 2014/2015, waxaan safarro dhaadheer ku tegay Xeebaha iyo Xuduudaha dalka, si aan ugu kuurgalo xaaladaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin dadkayga iyo dalkaygu.

 

May ahayn markii ugu horraysay, ee waxaan hore safar ugu soo maray inta badan Gobollada iyo Degmooyinka dalka. Haddii aan warbixin kooban idinka siiyo safarkii xeebaha ee Saylac – Laasqoray oo aan muddo wiig ah ku hawlanaa, run ahaantii xeebuhu waxay leeyihiin duruuf u gaar ah oo u baahan in tixgelin gaar ah la siiyo. Sidoo kale, waa meel ay nimcooyin badani ku   duuganyihiin oo u baahan in laga faa’idaysto. Tusaale ahaan, Xeebteenu waxay dhereran-tahay 850 Kilo-meter! oo bad ah, taasoo nooc-kasta oo khayraadka badda laga helayo, nasiib darro iyadoo kalluunkeenii bannaanka usoo baxayo oo dad kale sharci darro ku guranayo, ayaa haddana dadkeenii ay ka gaajoonayaan, maxaa yeelay, waxaynu ahayn xoolo-dhaqato aan aqoon farsamada badda wax loogala-soo baxo.

 

Dawlad ahaan annagoo dareenkaa qabna, kana duulayna Xogihii aan soo helay, waxaanu u qorshaynay nidaam horumarineed oo ay iska kaashanayaan Wasaaradaha Qorshaynta, Maaliyadda, Kalluumaysiga iyo Ciidammada Badda, taasoo loo qoondeeyey kharash dhan ilaa $1,800,000 oo Dollar kaasoo aan la kaashannay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund). Sidoo kale, waxaanu u samaynay doon-dhooliya (Ambulance), taasoo dadka kasoo qaadaysa xeebaha marka dhibaato lasoo deristo, maadaama ay adagyihiin waddooyinka dhulkaasi. Waxaanu xoojinay Ciidammada Badda, si ay u ilaaliyaan khayraadka dalka ugana qayb-qaataan ilaalinta Ammaanka guud ee dalka, iyadoo aan amar ku siinay inay caawiyaan bulshada dhibaataysan intii awoodooda ah.

 

Lacagtaa $1,800,000 oo Dollar ah, oo loo qorsheeyey in lagu hirgaliyo 5 Mashruuc oo kala ah Maydh, Xiis, Lasqoray, Conqor iyo Berbera, Kharashkan oo aanu uga qoondaynay lacagta Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund).

Sidoo kale, waxaanu uga qoondaynay lacag dhan $3,100,000 oo Dollar, Deeqda aanu ka hellay EU-da, taas oo lagu hirgelinayo 4 mashruuc oo ah kaabayaasha Kalluumaysiga ee Lughaya, Saylac, Tokhoshi iyo Bula-xaar, iyo kobcinta awoodda Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal,

Sannadkan 2015-ka waxaan Safar dheer kusoo maray Xuduudaha dalka si aan u xaal ogaado, ugana war helo, waxay ku sugan-yihiin dadka reer miyiga iyo xoolaha nooli, waxaynu wada ognahay in xoolaha nooli ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dadkeena iyo dalkeena.

 

Inkastoo Wasaaradda Xannaanada Xooluhu samaysay dedaal badan, oo aan meelo badan kula kulanay Xoolihii oo la daweenayo iyo gaadiid wareegaya, haddana waxaa muuqata in dadkeenii Miyiga noloshoodii wax weyni iska beddeleen, oo dhul badan oo daaqsinkii xoolaha ahaa loo rogay deegaan. Taasoo cidhiidhi badan ku haysa daaqsinkii xoolaha nool iyo meeshii reer-guuraagu degayey. Waxaa haddana taa ka daran, xaalufka iyo dhulka la ootay ee aan sharciga ahayn ee deegaankii iyo daaqsinkiiba lagu baahiyey taasoo haddii aan si laxaad leh laysaga kaashan dawlad iyo shicib, mucaarad iyo muxaafad, dhulkeenu uu ku dambayn doono Saxare lama degaan ah oo aan xoolo iyo sarac toona inooga suurtogeleyn. Annagu Dawlad ahaan waxaanu wadnaa dedaalo ay hormuud u tahay Wasaaradda Deegaanku, anigoo ku amray, iminkana ku adkaynaya in Wasaaradaha ay khusayso ee W/Xannaanada Xoolaha, W/Deegaanka iyo W/Beeruhu ay arrintan dedaal iyo dardar cusub geliyaan. Waxaan Labadan Gole ka codsanayaa in aad gacan naga siisaan nagala qayb-qaadataan dedaalkaa aan ka wadno dhawrista deegaanka iyo ilaalinta iyo kor u qaadidda xoolaha nool.

 

Dekedda Berbera:

 

Muddo waxaanu dedaal ugu jirnay sidii loo heli lahaa maalgashi ku habboon dekadaha iyo meelaha muhiimka u ah dhaqaalaha dalka, taasoo ay ugu mudantahay Dekedda Berbera. Waxaan doonaynaa in Dekedda Berbera ay noqoto mid ballaadhan oo u adeegi karta bulshada Somaliland iyo dalalka jaarka ah, waxaanay u baahantahay dhaqaale iyo aqoon lagu horumariyo si ay ula tartami karto Dekedaha mandaqada. Haddii aan loo samayn adeeg casriya iyo farsamo la jaan-qaadi karta wakhtigan, waxay ku keenaysa dib-u-dhac. Annagoo ka duulayna arrimahaa aan soo sheegay, waxaanu xidhiidho la samaynay Shirkado badan oo kala duwan oo ay ka mid-yihiin:

 

  1. Bolloré oo ah shirkad Fransiiska laga leeyahay.
  2. DP Worldoo lag leeyahay Imaaraadka Carabta (UAE).
  3. Prime Africaoo Sucuudiga laga leeyahay.
  4. Kuwait Logisticsoo laga leeyahay Kuwait.

Haddaba, si aan isaga hubino una helno talada ugu wanaagsan ee waafiqi karta danaheena iyo baahiyaheena, waxaan u raadsanay cid talo naga siisa oo khabiiro ku ah sida World Banka, oo runtii daraasad qiimo badan noo sameeyey, talooyin wax ku ool ahna naga siiyay. Haddana kumaanu kaaftoomin intaasi, ee waxaanu weli wadnaa khabiiro iyo shirkado ku xeel-dheer farsamadan oo inaga caawiya waxyaabaha aynu u baahanahay marka aynu gelayno heshiis noocan oo kale ah.

 

Ma jirto haba yaratee cid aanu heshiis la galay wakhtigan, mana jirto cid nooga lexejeclo badan Dalkan, annaga oo ah, Masuuliyiintii Qaranka loo doortay, ee loo dhaariyey.

 

Haddii uu hirgalo maalgashigaasi, waxan ku rajo-weynahay in uu kor u qaadayo meeqaamka Marsadeena, waxaanay keenaysa shaqo abuur iyo xirfado cusub. Ma jiraan wax inoo kordha mooyee, wax innaga dhacaya. Dedaalada maalgashi iyo ganacsi ee aanu dalka ku horumarinayno, waa in aan la carqaladayn, ee la dhiirigeliyaa si dhaqaaleheenu u kobco.

 

Arrimaha Dibedda:

 

Jamhuuriyadda Somaliland, tan iyo intii aynu dhidibadda u taagnay ee aynu qaran noqonay illaa maanta waxaynu dedaal ugu jirnaa sidii aynu aqoonsi uga heli lahayn beesha caalamka. Dedaalkaasi marxalado badan ayuu soo maray, waxaanan rumaysanahay in aynu maanta joogno meel uu caalamka intiisa badani garwaaqsaday gooni-isutaagga Somaliland iyo geedi socodka horumarka aynu gaadhnay. Waxa xoogaystay xidhiidhka aynu la leenahay Dawladaha Deriska, Waddamada Carabta, Europe iyo America. Waxaa ugu dambeeyey in ay Golaha Deegaanka ee Cardiff u gudbiyeen Raiisal Wasaraha iyo Baarlamaanka Ingiriiska mooshin ay kaga dalbanayaan in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ka horraysay Sheffield oo tallaabadaa ku-dayashada leh hore u qaaday. Waanan uga mahadnaqaya, abaalna waynu ugu haynaa.  Waa guul aynu Qaran ahaan wada gaadhnay. Waxaynu si gaar ah ugu mahadnaqayna jaaliyadaha reer Somaliland ee arrinta ka midha dhalisay.

 

Xukuumadda aan Hoggaanka ka ahay, intii ay xilka haysay waxa ay hawsha aqoonsi-raadinta ka gaysatay gacan xoog leh oo muuqata. Waxa ogtihiin in aanu ku guulaysannay in ay beesha caalamku ku qanacdo inaynu nahay innaga iyo Somalia laba kala duwan (Two Separate Entities), taasina ay keentay in adduun weynuhu innagu dhiiri-galiyey in aynu wada-hadal isugu nimaadno labadeena dal.

 

Wada-hadallada Somaliland–Somalia:

Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia waxay socdeen muddo saddex sannadood aan ka badnayn, amba-qaadkoodana wada jir Xukuumad, Baarlamaan, Xisbiyada Qaranka iyo shacbigaba halkan ayeynu ku guddoonsannay. Arrimihii ugu muhiimsanaa ee kulamadaa lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa in lays ixtiraamo, in aan la carqaladayn mashaariicda horumarineed iyo Maalgashiga ka socda labada dal, iyo in la abuuro Guddi Madax-bannaan, fadhigeedu yahay Hargeysa oo si wada jira u maamusha, ugana hagta Mashruuca Hawada Somaliland iyo Somalia ee ay wakhtigan Qaramada Midoobay gacanta ku hayso. Wixii dhaqaale kasoo baxana, loo qaybsado si siman oo xaq ah.

 

Nasiib darro, wada-hadalladaasi ma hana qaadin, mana noqon wax midha-dhala. Waxaana u sabab ah, ka dib markii ay Madaxda Somalia ka baxeen dhammaan heshiisyadaa kor ku xusan.

 

Waxan ugu baaqayaa Dawladda Somalia in ay si gobannimo leh u garwaaqsadaan runta iyo xaqiiqada jirta ee ah in aynu nahay maanta laba dawladood oo jaar ah, midawgii Lixdankii ina dhex maray wuxuu baaba’ay 1991-kii, 18-kii May, markii Somaliland xornimadeeda lasoo noqotay. Somaliland mar walba waxay diyaar u tahay in wada hadal lagu dhammayo khilaafka u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Somalia. Haddaba, waxaan beesha caalamka usoo jeedinayaa inay nagu dhex joogaan fagaaraha aanu ku gar-naqsanayno.

 

Xaaladda Yemen:

 

Mudane Guddoomiye iyo Mudanayaal,

 

Muddooyinkan dambe, xasillooni darro ayaa ka jirtay qaar ka mid ah waddamada Carbeed, waxaana ugu dambeeyey dagaalada ka socda Dalka Yemen ee aynu deriska nahay. Dagaaladaasi waxay saamayn xoog leh ku yeelanayaan guud ahaanba Badda Cas iyo Waddamada ku xeeran ee aynu ka mid nahay.

 

Dawladda Somaliland waxay Dalalka deriska iyo beesha caalamka intaba kala shaqaysa, adkaynta iyo xoojinta xasilloonida mandaqadda, gaar ahaan Marin Biyoodka Badda Cas oo hal-bawle u ah isu socodka dhaqaalaha adduunka. Dawladda Somaliland waxay si buuxda u garab-taagantahay mawqifka Jaamacadda Carabta ee taageeridda Dawladda sharciga ah ee Dalka Yemen. Waxaanay ka soo horjeedda kooxaha qalalaasaha ka wada Dalka Yemen.

 

Adkaynta Nabadgelyada:

 

Intii aan hayay talada Dalka, waxan kor u qaaday awoodda iyo haybadda Ciidammada sida Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliiska, Ciidanka Asluubta iyo Ciidanka Ilaalada Xeebaha. Waxaanan ku kalsoonahay inay maanta inoo dhisanyihiin Ciidan sugi kara ammanka Qarankan isla markaana difaaci kara cadaw kasta gudaha iyo dibaddaba.

Waxaa ayaan darro ah in masuuliin Qarankan xil ka haya ay bar-tilmaameedsadaan qaar ka mid ah ciidammadeena, iyagoo qoraallo u diray Dalal aynu saaxiib nahay oo ay kaga dalbanayaan in ay ka joojiyaan taageerada iyo tababarrada ay siiyaan Ciidanka.

 

Waxaan leeyahay ciidammadu dhammaan waa Ciidammadeenii, waxaanay heegan u yihiin ilaalinta ammaankeena. Waa kuwa aynu ku seexanno ee ku degannahay, ma geyaan in la maago ama sumcaddooda la dilo oo caawimada lagala dagaalamo.

 

Ciidammada RRU-da, waa “Ciidammada Degdega u Hawlgala”, waa Ciidammo u diyaarsan inay la dagaalamaan argagixisada iyo waxyaalaha qarankan halista gelin kara, cadaw maaha, waxna ma dilaan, waxna ma boobaan. Umaanu samayn in ay cabudhiyaan xorriyaatka iyo xuquuqda muwaadiniinta.

 

Waxaa qalad ah oo qadaf ku ah dhaqanka Dawladnimada in aad ciidankii dalku lahaa, dacaayadeyso oo dunida waraaqo liddi ku ah u qaybiso. Waxan leeyahay ka waantooba oo dib isugu noqda.

 

Puntland:

In dhawayd waxa ka imanayey Maamuul Goboleedka Puntland dacaayado ka dhan ah qarannimada Somaliland. Haddaba, in kastoo dhawaan uu ila soo xidhiidhay Madaxweynaha Puntland oo uu raali-gelin iga siiyay, waan soo dhaweynayaa raaligelintaas, Somaliland waxaa ka go’an nabad kula noolaanshaha waddamada deriska ah iyo in laska kaashado adkaynta Ammaanka.

 

Geba-gebadii:

Mudanayaal, anigoo idinka mahad-celinaya wada shaqaynta wanaagsan ee u dhaxaysa Xukuumadda iyo Golayaasha. Waxan idinka codsanaya in sida ugu dhakhsaha badan u ansixisaan Xeerarka idin hor-yaalla oo Qarankan muhiim u ah, kaasoo ay ka mid yihiin:

 

  1. Xeerkii La-dagaalanka Argagixisada.
  2. Xeerkii Hay’adda Duulista Hawada.
  3. Xeerkii Kootada Haweenka/Dadka laga tiro badan-yahay.

 

Ugu dambayn, waxan shacbka Somaliland ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan Ciidammada Ammaanka ee ku hawlan adkaynta xasilloonida Qarankan, si feyjiganna u ilaashadaan nabadgelyadooda.

 

Allaa Mahad Leh,,,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>