Nuxurka Khudbad Uu Gudoomiye Saleebaan Kaga Hadlay Doorka Muddo Kordhinta Ee Guurtida iyo Shaqaaqadii Buuhoodle iyo Qoriligud

fffffff(Duulnews)-Kalfadhigii Aqalka guurtida Somaliland, oo dib u furmay, ayaa Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, uu ka jeediyay khudbaddii furitaanka oo uu kaga hadlay doorka Guurtida ee Muddo kordhinta xukumadda iyo Shaqaaqo dhawaan ka dhacday degaamada Buuhoodle.

 

Gudoomiye Saleebaan ayaa ugu horayn golaha kala hadlay doorka guurtida ee Muddo kordhinta “Wuxuun baan ka digayaa, Inagu guurti ahaan waxbaa la kordhinayaa iyo waxba lama kordhinayo midna inama khusayso, haddii la inoo baahdo Insha Allah la inoo baahan maayee, haddii la inoo baahdo ayaad la sugaysaan laakiin, innaga haasaaweheedu waa inaga xaaraan”

 

Gudoomiye Saleebaan, ayaa sidoo kale rajo fiican oo nabadeed ka sheegay shaqaaqo dhawaan dhex martay bulshooyinka wada dega Buuhoodle iyo Qorilugud “Wax dhiilo ah sheegi maayo laakiin, Arrintii Qorilugud iyo Buuhoodle meel fiican bay maraysaa ee Illaahay wanaagaas hadda la wado ha inoo rumeeyo” ayuu yidhi Gudoomiye Saleebaan.

 

Hadalka Gudoomiyaha guurtida ayaa imanaya, iyadoo la rumaysan yahay inaanay ka fursanayn in Guurtidu Xukumadda wakhtiga u kordhiso kadib markii la yaqiinsaday inaan doorasho dhici doonin wakhtigii loo asteeyay ee ahaa 26 June.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>