Nuxurka Kulan Maanta Dhexmaray Komishanka Doorashooyinka Qaranka Iyo Xisbiyada Siyaasadda Somaliland

XXX(Duulnews.com)-Saddexda Xisbi Qaranka ee Somaliland Ucid,Wadani iyo Kulmiye Ayaa Maanta Kulan Layeeshay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka,Kulan Kaasi oo Ahaa Sidii Loo Dardar Galin Lahaa Arimaha Doorashooyinka.

Waxa ay Asxaabta Siyaasadu Rajo Wacan ka Muujiyeen In Doorashadu Wakhtigeeda Ku qabsoomayso,Komiishankuna Gacanta ku Hayaan Dhamaan Hawlihii Doorashada Qaar koodna Dhameyeen.

Kulanka ay La qateen Komiishanka Ayaa Ahaa Mid Albaabadu u xidhnayeen Markii uu Soo Dhamaadayna Waxa Saxaafada la Hadlay Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbia Ucid,Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga kulmiye iyo Xog-hayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Wadani.

Ugu Horayn Maxamed Kaahin Axmed Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Ayaa sheegay in Komiishanku ku hawlan Yahay Sidii Doorashadu u dhiciLahayd waxaana uu hadalkiisa ku Bilaabay.

 

“Sidaanu Maalintii Hore Sheegnay Waxa ay Komiishanku Gacanta ku Hayaan,Qaban-qaabadii iyo Diyaar Garawgii Doorashooyinka Qaranka Sidii ay u dhamaystiri Lahayeen,Ujeeda ay Noola Kulmeena waxa uu ahaa in ay warbixin Naga Siiyaan Xaalada iyo Hawshoodu Halka Ay marayso,Saakana Saddexdayada Xisbi Waanu Dhanahay.

 

waxa uu intaas ku dary Maxamed Kaahin Axmed Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye.”Xisbiyaduna wixii ay talo Hayeen Way u shegeen,Arinta Doorashaduna Wali Qabyo Weeyaan,Hawshiina Way Socotaa Dhamays tirkeediina Waa Lagu Guda Jiraa,Gudida Doorashooyinka Ayaa Noo Soo sheegi Doono,Markaa Arinka Waxaanu kaga wada Shaqayn Doonaa Si Aad u wanaagsan.

Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusug(Cali Guray)ayaa isna Doorashadu in ay Dhacayso Kalsooni Badan ka muujiyay waxaana uu yidhi.

“Waxaanu Saaka La Kulanay Komiishankii Doorashooyinka Qaranka,wax Badana Waxaanu ka eegaynay Komiishanka oo shaqadan Ay wadaan oo kaliya Aan ahayn,waxaanan Halkan idiinka Cadaynaynaa inuu Komiishankani yahay Mid Heer Sare Ah oo ay ka Go’antay Daacadna Ka yihiin in ay dalkan ka qabtaan Doorashooyin Xor oo Xalaal Ah Xiligii Munaasib Ah.

Waxa uu sheegay in Waxyaabo Badan oon loogu Talo galin Warbaahinta Ay isla Soo Qadeen waxaana uu yidhi.”

“Waxaana ka Mid Ah Rawdh Maankii,waxayna Nooga Warameen in ay Dhameyeen wixii Ku Xidhnaa oo dhan,waxaana ay Nagu qanciyeen in ay sida ugu dhakhsaha Badan u Dhamayn Doonaan,Waxa ay Nooga Warameen siday iskugu Xidhan yihiin,Doorashada Soo Socotana waxa ay Si wanaagsan Noogu Qayaxeen in ay Qaban Doonaan Anaguna waanu ku Qanacnay.

 

Xog-hayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Mucaraadka ah ee wadani Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa isna sheegay.

 

“Waxa ay Maanta nooga Warameen Halka ay Hawlaha Marinayaan,Dadkuna waxa ay ka Sugayaan Halka Ay wax u marayaan,Warka ugu Muhiimsan ee Ay dadku Sugayaan waxa uu Ahaa in Doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto,Hawshaasna waanu ku qanac-nay.Haaya’ddaha Oo dhan waxa ay Rabaa in ay Doorashadu Dhacdo waxaana ay dhagta u taagayaan sidii Doorashadu u dhici Lahayd,Hawsha ay Wadaan Waanu ku qanac-nay Wixii kale ee hawl ah Ee u hadhsana Waa ay Noo Balan Qadeen in ay Dhamayn Doonaan.

Saddexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Ayaa Rajo Wacan ka Muujiyay in Doorashadu wakhtigeeda ku Qabsoomayso xili ay Hadana Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland Walaac ka Muujiyeen in Aanay Doorashadu Wakhtigeeda Aanay ku Qabsoomay.

Wariye: Mohamed Hassan Daacad

Duulnews.com/Hargaysa Office

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>