Nuxurka Kulan Magaaladda Hargaysa Ku Dhex-maray Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Haa’yadda UNDP+Daawo Sawiradda

Hargaysa( Duulnews)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade Ayaa Maanta Shir Albaabadu U Xidhnaayeen Xafiiskiisa Kula Qaatay Hayada UNDP .

Shirkan Ay Wada Qaateen Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Madaxda Haayada Undb Oo Socday Wakhti 30 Minut Ayaa Lagaga Wada Hadlay Arrimaha Nabadgalyada , Xoojinta Amaanka Iyo Arrimaha Qaxoontiga .

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade Ayaa Haayada Oo Inta Badan Somaliland Kala Shaqaysa Amaanka Iyo Arimaha Qaxoontiga Kala Hadlay Madaxda Haayadaasi Sidii Loo Sii Xoojin Lahaa Wada Shaqaynta Iyo Kor Uqaadida Amaanka Dalka .

Dhinaca Kale Madaxda Haayada Ayaa Wasiirka Kala Hadlay Arrimaha Qaxoontiga Ka Imanaaya Dalka Yeman Kuwaasi Oo Ilaa Hada Kusoo Qulqulaaya Dalka Somaliland Kuwaasi Oo Wasiirku Kala Hadlaay Sidii Haayada UN-ka Oo Inta Badan Arrimahaasi Gacan Ka Siisa Somaliland Uga Shaqaynlaha Daryeelka Caafimaadaka Dadka Qaxoontiga Ah.

Shirkan ayaa ah mid sanadkiiba Halmar Ka Qabsooma Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha Kaasi oo Madaxda Haayada UN -Ka uu Wasiirku Kula Shiro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>