Nuxurka Shir Maanta Xasan Sheekh Maxamuud Ka Furay Magaaladda Garowe

Shi(Duulnews)-Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Garoowe ee xarunta Maamul Goboleedka Puntland uga furey shirkii labaad ee Madasha Wadatashiga Xukuumadda Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada Puntland, Jubba iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

Shirkan ayaa ajendayaasha ugu weyn ee looga hadli doono waxaa ka mid ah Hiigsiga 2016, Cahdiga Cusub, dhismaha iyo isku dhafka ciidammada, qeybsiga kheyraadka, xal u helista dhibaatooyinka qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, Yemen iyo dalalka kale.

Madasha wadatashiga ayaa sidoo kale waxay dhinacyada ka qeybgalaya ku gorfeyn doonaan arrimo kale oo la xidhiidha dib u dhiska Soomaaliyada cusub, xiliyadii adkaa ee la soo marey kadib.

Shirkan labaad ee madasha wadatashiga waxaa uu daba joogaa shirkii 1aad ee ka dhacay Muqdisho bishii Febraayo ee sannadkan, kadib markii Madaxweynaha Somaliya uu martiqaadey madaxda maamulada si looga wadatashto aayaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>