Qaar Ka Mid Ah Cuqaasha, Haweenka, Dhalinyaradda, iyo Wax-garadka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa si weyn u taageeray Is-bahaysiga Asxaabta Mucaaridka iyo Madasha Wada-tashiga dhawaan ku Dhexmaray magaalada Hargeysa.

Xil(Duulnews)-Dadweynahan oo maanta shir ballaadhan ku qabtay hotelka Dalxiis ee caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay inay si weyn u taageersan yihiin, isla markaana la garab taagan yihiin taageero hiil iyo hooba Isbahaysiga dhexmaray Mucaaridka dalka ee WADDANI, UCID iyo Madasha-wadda-tashiga iyo Toosinta Qaranka. Iyagoo xukuumaddana ugu baaqay inay 26-ka bisha Juun ay ku qabadto Doorashooyinka Golaha Wakiiladda iyo Madaxtooyadda, iyagoo sidoo kale xusay inay si weyn uga soo horjeedaan muddo kordhin bilaa sharciya oo loo sameeyo

xukuumadda Siilaanyo ee wakhtigii la soo doortay gabaabsiga sii yahay, hadii arintaas ay dhacdana ay tallaabo kacdoon dadweyne ay Madaxtooyadda ugu gali doonaan. Shirkan taageeradda ahaa oo kulmiyey qaybaha kala duwan ee bulshadu kooban tahay bulshadu, gaar ahaan Cuqaasha, Haweenka, Dhalinyaradda, iyo Wax-garadka, ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay Chief Caaqil Xiis Xasan Cabdalle oo si adag ugu nuux-nuuxsaday inay aad u taageersan yihiin shacabka reer Hargeysa ama Gobolka Maroodi-jeex ku dhaqani Is-bahaysiga Asxaabta Mucaaridka iyo Madasha Wada-tashiga, isla markaana ay aad uga soo horjeedaan mudo kordhin loo sameeyo xukuumadda. Garaad Maxamuud Cabdi [Abu-Hurayra], oo isna madasha ka hadlay, ayaa carabka ku adeeyey sida ay uga soo horjeedaan shacabku muddo kordhin xukuumadu hesho marka uu dhamaado wakhtigeeda la soo doortay oo ku beegan 26-ka Juun ee sannadkan. Isagoo Madaxweyne Siilaanyo xusuusiyey wixii uu samayn jiray wakhtigii uu mucaaridka ahaa oo uu tilmaamay inay ahayd dhaqan aad u xun. Waxaanu Abu Hurayra iftiimiyey sida weyn ee ay shacab ahaan u garab taagan yihiin Isbahaysiga mucaaridka dalku yeesheen. Gabagabadii-na waxa iyagu-na madasha ka hadlay Cuqaal badan, Dhalinyaro, Haween iyo wax-garad kale, kuwaasoo dhammaantood iska daba maray taageeradda hiilka iyo hooga-ba ah ee ay u hayaan Isbahaysiga Mucaaridka iyo sida ay marnaba ugu dulqaadan Karin muddo kordhin ay xukuumaddu hesho. Iyagoo xukuumadda Siilaanyo-na ugu baaqay inay dalka Doorashooyinka ka qabado dalka marka wakhtigeeda la gaadho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>