Qaar Ka Mid Ah Dhallinyarada Beelaha GAR-XAJIS Oo Baaq u diray Xukuumadda. Wasiir Cali Waran Cadde na Eedaymo Kulul U Jeediyay

(Duulnews)-Qaar ka mid ah dhallinyarada beesha GAR-XAJIS ayaa shir jaraa’id oo ay caawa ku qabteen Magaalada Hargeysa. ayaa waxay Xukumada Madaxweyne Siilanyo Baaq ugu soo jeediyeen in la sii daayo Suldaan maxamed muuse cune.

Dhallinyaradan ayaa sidoo kale ka soo horjeedsaday hadallo ka soo yeedhay dhallinyaro sheegtay inay ku mideysan yihiin ururka Talo iyo Midnimo ee beelaha Gar-xajis, kuwaasi oo xalay sheegay in Suldaan lagu xidhay Magaalada Burco uu aflagaadeeyay Marwada koowaad ee Qaranka, taasi beddelkeedana waxay tilmaameen inaanu Suldaan Cunaaye aanu wax aflagaado ah u geysan Marwada koowaad ee Qaranka, balse uu Wasiirka Arrimaha guduhu u xidhay si shaqsiya, isagoo bay yidhaahdeen ka cadhooday hadal uu Suldaanku ku duray Cali Waran Cadde.

Dhallinyarada shirka jaraa’id qabtey oo daba socday hadallo ay warbaahinta Mariyeen dhallinyarada ururka Talo Iyo Midnimo, ayaa sheegay in dhallinyarada sheegtay ururka Talo iyo Midnimo ay yihiin dhallinyaro ah isku qoys yihiin wasiirka Arrimaha gudaha, isla-markaana uu Cali Waran Cadde u adeegsaday inay ka difaacaan eedaymaha loogu jeediyay xadhigga Suldaan Cunaaye, kaasi oo ka dhashay eedaymo shaqsiya oo uu ku weeraray Wasiirka Daakhiliga.

Waxa kale oo ay tilmaameen inay ka xun yihiin in Wasiirka arrimaha guduhu uu dakhliga dawladda si gaar ah ugu qaybiyo dhallinyaro ka difaaca eedaymaha kaga imanaya qaybaha bulshada, isla-markaana uu isku hawlo sidii uu xukuumadda ugu muujin lahaa inuu taageero ka haysto bulshada deegaankaasi. Laakiin waxay xuseen in tallaabo kasta oo uu wasiir Cali qaadaa ay sii kala fogeynayso xukuumadda iyo beesha uu ka soo jeedo “Dhammaan Salaadiinta beeshu waxay taageersan yihiin xukuumadda, laakiin marka uu Cali Waran Cadde uu magaca xukuumadda ku xidho Suldaankii kali ahaa ee WADDANI la socday sow beesha iyo xukuumaddu ma kala fogaanayaan” ayuu yidhi, Mid ka mid ah dhallinyaradaasi, waxaanu intaasi raaciyey “Haddii uu Suldaanku wax ka sheegay shaqsiyadda Wasiir Cali Waran Cadde, ma inuu awoodda dawladda ku xidhaa..dhallinyarada ku hadlaysay afka Wasiirku waxay yidhaahdeen Suldaanku wuxuu aflagaadeeyay Marwada koowaad ee Madaxwaynaha, sow taasi been cad maaha, haddii Cali wax laga sheegay ma Marwada la caayey…”

“Cali wuxuu marka hore ku faanno ayuu marka dambe ka cadhoodaa, waayo Cali isagaa afkiisa laga hayey …SNM waa falayo yaacey…Anigu waxaan ka mid ahaa Mujaahidiintii gudaha ee la safnaa Maxamed Siyaad Barre,” ayuu yidhi, mid kale oo ka mid ah dhalinyaradaasi, wuxuun intaasi ku daray “ Cali sawkii shalay si badheedh ah u lahaa Shaqadaydii Basaasnimada ee aan u hayay Siyaad bare waxay ahayd mid aan is dhihi karo ajar badan ayay lahayd” isagoo sii wata hadalkiisii wiilka dhalin yarta ihi ayuu yidhi “Miyaanay caqli xumo ahayn inuu Cali Waran Cadde is diidsiiyo inuu ka mid ahaa maantana NSS tii Soomaaliya ee Xasuuqa iyo dhibaatada faraha badan u geysatay shacabka Somaliland”

Maxamed Xasan Cabdi, oo isagu ka mid dhallinyarada hadashay ayaa yidhi “Beeshayadu waa beel ka mid ah beelaha Somaliland, waxayna leedahay Muxaafid iyo Mucaarid, oo intayada halkan wada fadhidaa waanu kala duwannahay afkaarta siyaasadda, oo waxaanu ku kala jirnaa xisbiyada, anigu waliba waxaan ka mid ahay kuwa taageersan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, laakiin waxaan ka xumahay in Wasiir Cali uu kala fogeeyo xisbigii aanu ka mid ahayn iyo reerkayaga…waxaan taagnaa shalay markuu Madaxwaynuhu dul taagnaa Suldaanka guud ee beesha oo xanuunsanaya, waxaanan dareemayey tixgelinta iyo ixtiraamka uu u hayo beesha”

Dhanka kale, dhallinyaradu waxay baaq u direen Madaxweynaha kana dalbadeen in Suldaanka Xoriyadiisa loo soo celiyo “Waxaanu aad ugu xunahay in Cali warancade oo kale Xil naloogu dhiibo waxaanu dareensanahay in reerka iyo xukuumada war beena uu u kala geeyo …” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Maxamed Xasan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>