Maxaa Ka Jira Inay Xukuumada Somaliland Waddo Qorshe Ay Ku Soo Guri-galinayso Suldaan Wabarka Duurka Galay?

Wabar(Duulnews)-Xukuumadda Somaliland iyo Suldaan Wabar ayaa la sheegayaa inay isla af-garteen qorshe muddo u socday oo ah sidii loo soo xero-galin lahaa

Maleeshiyadaas.

Illaa hada Xukuumadda iyo kooxda Wabar toona kamay hadal qorshahan hase yeeshee wararka ka soo baxaya gobolka Awdal waxa ay

sheegayaan inay labada dhinac gaadheen Heshiis ah in ay maleeshiyadu soo xero-gasho tabashadoodana la dhameeyo.

Soo xero-galinta Suldaan Wabar ayaa la filayaa inay toddobaadkan gudihiisa qabsoonto, iyadoo la hadal hayo in laga dareemayo deegaanka uu Suldaan Wabar ku sugan yahay dhaqdhaqaaq muujinaya calaamado u dhaw in ay suurtogal tahay qorshaha labada dhinac wada gaadheen.

Suldaan Wabar ayaa toddobaadkii aynu ka soo gudubnay ku dhawaaqay magac cusub oo ay kooxdiisu la baxday iyo astaamo muujinaya in kooxdiisu ku hawl-gali doonto, hase yeeshee lama oga cida ka shaqaysay qorshahan soo baxaya ee sheegaya in ay Heshiiyeen Xukuumadda.

Suldaan Wabar, ayaa baaq uu todobaadkii hore u diray bulshada iyo Qurbejoogta la mawqifka ah waxa uu ku sheegay in guulaha uu gaadhay ay ka mid tahay inuu durba Saamigii Bulshada Awdal soo riday, isagoo muujiyay in tabashadii Awdal ay wax ka tareen isku shaandhaynihii Madaxweyne Siilaanyo Xukumadda ku sameeyay oo mansabyo loogu dhiibay masuuliyiin Awdal ka soo jeeda.

Buuraha Awdal iyo Ethiopia u dhexeeya galay kadib markii uu ku dooday in Xukumadda Kulmiye waxba ka qaban wayday tabashada Reer Awdal ee Saamiga la xidhiidha, isagoo halkaasi ka abaabulay Maleeshiyo aan tiradeedu badnayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>