Sabeen Mehmud Oo U Doodi Jirtay Xuquuqda Aadamaha Oo Lagu Dilay Dalka Pakistan

(Duulnews)-Mid ka mid ah shakhsiyaadka hormuudka ka ah u dhaq-dhaqaaqidda xaquuqda aadanaha dalka Pakistaan ayaa lagu toogtay gudaha magaalada Karachi ee dalkaasi Pakistaan.

Sabeen Mehmud ayaa ahayd agaasimaha hay’ad samafal oo lagu magacaabo T2F oo inta badan qabata kulamo aqoon is-weydaarsi ah oo ku saabsan arrimaha xaquuqul insaanka.

dddddddd

Sabeen Mehmud ayaa dhowr jeer la toogtay, xilli ay wadday baabuur kuna sii jeeday xaafaddeeda iyada iyo hooyadeed kaddib markii ay ka soo laabatay kulan aqoon is-weydaarsi ah oo ay ka qayb gashay.

Hooyadeed ayaa weerarkaasi lagu dhaawacay balse haweeneydaasi hawlwadeenka ah ayaa geeriyootay iyada oo Isbitalka loo sii wado.

 

Mehmud ayaa muddo sanado ah waxa ay dhiirigelinaysay dulqaadka iyo arrimaha xaquuqda aadanaha iyada oo hawshaas ka waday magaalada ugu weyn dalkaasi Pakistan.

Maktabad iyo maqaaxi shaaha laga cabo oo ay lahayd ayaa ka mid ahaa goobaha hawlwadeenada calmaaniyiinta iyo ardayda ay ku kulmaan oo ay uga doodaan arrimaha khuseeya dumarka iyo xag-jirnimada.

Aqoon is-weydaarsiga ay hay’addeeda martigelisay shalay oo jimco ahayd ayaa waxa ay ku saabsanayd ku lug lahaanshaha la sheegay in ciidamada milatariga dalkaasi pakistaan ay ku lug leeyihiin jidhdilka iyo dilalka ka dhanka ah waddaniyiinta ku sugan gobolka Balochistan, arrintaasi oo wararka qaar ay sheegayaan in looga digay in ay faraha la gasho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>