Safiirka Wareegga Ee Somaliland Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaaladda Hargaysa

Kaysar(Duulnews)-Safiirka ayaa waxaa madaarka kaga hor tagay soon dhaweeyay masuuliyiin u hor kacayo Safiirka Somaliland Ee Xajka Makah Sheekh Axmed Safiina , Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Qorsheenta Qaranka C/kariin Axmed Mooge

,Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Aadan Ilka Case , Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr Jaamac Maxamed Odowaa , Maareeyaha Telefishanka Qaranka Khadar Xasan Cali Gaas , Suldaan Cawil Fiiqle Iyo Xubno Kale oo qurboo joog ah .

 

Ugu Horayin Waxa halkaasi hadalo ka soo jeediyay Safirka Somaliland Ee Makah “ anigoo ku hadlayaa magaca safiirada Somaliland Maanta waxaanu soo dhawaynaynaa Safiirka Wareega oo ah xubintii nugu firfircoonayid waxaanu ku leenahay dalkaag ku soo dhawoow waxaanu kaga mahadcelinaynaa caalamka aad ku wareegto .

 

Waxa dhankisa halkaasi hadalo kooban ka soo jeediyay Maareeyaha Tvga Qaranka Somaliland Khadar CalI Gaas “waxaan aad iyo aad u soo dhawaynayaa maanta Amb. Kaysar oo ah Safiirka Wareega Ee Somailand kolay anagu mudo badan waanu ka soo wada shaqaynay waana shaqsiyaadka u qalma xilkan iyo mid ka sareeyaba in la siiyo waan dadkii halgankii dalka ka so qayb qaatay waxaan leeyahay kaysar soo dhawoow gacmo fuean ku soo dhaowoow.

Maxamed Aadan Ilka case Agaasimaha guud Ee Wasaarada Warfaafinta Somalilnad aya dhankiisa hadalo soo dhawin ah ka jeediya munaasibaadasi “ maanta waxa noo farxada ah in aan soo dhawayno safiirka wareega oo ah walaalkay kaysar waxaan ku leeyahay soo dhawoow dalkaaga iyo dakaaguba way ku ogyihiine,waxa dhankisa halkaas hadalo ka soo jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha “kolay maanat waa noo farxad in aanu soo dhayin ku qaabilo safiirka wareega oo maanat ka yimi dalka ingiriiska waxaanu hambalyo leenahay howshii baldhanyid ee aad qabateen adiga iyo dadka reer Carrdif ku dhanqan ,Sidoo Kale waxa halkaasi ka hadlay Suldaan Cawil Fiqin “Suldaan anoo afkii dhaqanka ku hadlaaya waxaan ku leeyahay soo dhawoow Waa dalkaagi hooyo gacmo furan ku soo dhawoow.

Waxa dhankiisa hadalo ka soo jeediyay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Qorshayinta Qaranka Somaliland Cabdikariim Axmed Mooge “ Safiirku Waxa uu ka mid yahay dadka qiimaha leh ee reer Somaliland ee haday joogaan iyo haday maqanyihiinba dalkooga haysta anoo taa ixtiraamaaya ayaan maanat halkan ku soo dhawaynayaa Safirka In aan ku soo dhawyno waad naga mudantahay ee Safir Soo Dhawoow .

Gabagabdii Waxa Munaasibadaasi soo af meeray Safiirka La Soo Dhawaynaayay Kaysar C/laahi Maxamed “ Waxan Maanta ku faraxsanahay in laygu soo dhaweeyo dalkaygii hooyo dhamaan masuuliyiinta kala duwan ee dawlada oo si diiran maanat dalka igu soo dhaweeyay waxaan aad ugu mahadnaqayaa dhamaan bulshada reer Somaliland meel kasata oo ay jogaan .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>