Safiirka Wareegga Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Oo Soo Dhawaysay Heshiiskii Xisbiyadda Siyaasadda Iyo Xukuumaddu Ka Gaadheen Khilaafkii Siyaasaddeed

suhuur(1)(Duulnews)-Safiirka Wareega Ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Waqooyiga America Marwo Suhuur Xasan Abiib, ayaa dhambaal hambalyo iyo taageero isugu jira u dirtay

heshiiskii ay wadda gaadheen saddexda xisbi qaran iyo xukuumadda ee lagu soo af-jaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhintii ay golaha guurtidu u sameeyeen xukuumadda wakhtigeedii sii dhamaanayo iyo golaha wakiiladda.

Marwo Suhuur ayaa sidan ku sheegtay qoraal ay soo saartay oo ay ugu tala gashay warbaahinta,waxaanuu dhignaa sidan:- ” Waxaan si weyn u taageersanahay heshiiskii rasmiga ahaa ee ay saddexda xisbi qaran iyo xukuumaddu ku gaadheen magaaladda Hargeysa, kuna soo af-jareen khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhintii guurtidu u samaysay xukuumadda oo ahayd mid sharci darro ah, dalkana u horseedi gaadhay nabadgalyo darro iyo burbur siyaasadeed oo ku yimaada hanaanka dimuqraadiyadeed iyo doorashooyinka xorta ah ee dalka la filayo inay ka dhacaan, waxaan leeyahay hambalyo Somaliland madax-deedu waligeedba caan-bay ku ahaayeen inay wixii khilaaf ah ee dhex-dooda soo gala inay dhamaystaan, waana inay doorashooyinku ku dhacaan sidaa ay ku heshiiyeen asxaabta dalku aduunkuna markhaatiga ka yahay”.

Guddoomiye Suhuur Xasan Abiib, ayaa u soo jeedisay inuu shareftiisa dhowrto Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan oo ganefka ku dhuftay heshiiskan, iyadoo Saleebaan xusuusisay inuu kursigan qaranka ee uu ku fadhiyo inuu yahay kursi dhaqan, isla markaana wax weyn ugu fadhiya dalka marka laga hadlayo dhinaca nabadgaliyadda. Waxaanay tidhi “Saleebaanoow aduunka magacbaa ka hadha ee yaanay magac xumo kaa raacin kursiga aad qaranka u hayso oo ah kursi dhaqan, isla markaana dhinaca nabadgaliyadda dalka wax weyn ugu fadhiya Somaliland in badan oo hore ku soo ma-jiiratay”.

 

Safiir Suhuur, ayaa sidoo kale sheegtay inay si gaar ah dhambaal hambalyo iyo taageero isugu jirta ugu dirtay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro] go’aankii adkaa ee geesinimadda lahaa ee uu ka qaatay muddo kordhintaa sharci daradda ahayd. Waxaanay tidhi “Waxaan si gaar ah taageero iyo hambalyo aan la soo koobi Karin halkan uga dirayaa Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ah Guddoomiyahaygii, waxaanan leeyahay Guddoomiye, waanu kugu garab taaganahay go’aankii geesinimadda lahaa ee aad ka qaadatay muddo kordhintii aan sharciga waafaqsanayn. Heshiiskan lama gaadheen hadii aanad adigu go’aankaa adag aanad ku wajahin. Waana guul u soo hoyatay guud ahaan madaxda iyo taageerayaasha, gudo iyo dibedd-ba ee bah-weynta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI”.

 

Suhuur, ayaa gaba-gabadii qoraalkeeda ku soo af-meertay baaq ay u dirtay dhammaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee ku kala nool dalka guddihiisa iyo dibeddiisa oo ay ugu baaqday inay taageero weyn u muujiyaan heshiiskaas iyo go’aankii adkaa ee Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cirro ku wajahay sidii looga noqon lahaa muddo kordhintaa aan ku salaysnayn sharciyada dalka u taala.

 

Safiirka Wareega Ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Waqooyiga America.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>