“Samirka Iyo Dulqaadku Wuu Naga Sii Dhammaanayaa”,Wasiir Maxamed Biixi Yoonis

Biixi(Duulnews)-Warbixin la soo saaray, ayaa lagu shaaciyey in samirka iyo dul-qaadku ka soo dhammaanayo dadweynaha iyo dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii beesha caalamku iska indhitiraysay muddo ka badan 24 sanno ah oo ay ahaayeen dawlad si buuxda u shaqaysa.

Warbixintan oo uu qoray suxufi kagaciisu yahay Simon Allison oo lagu faafiyey shabakadda wargeys la yidhaa The Daily Maverick oo xaruntiisu tahay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, isla markaana cinwaan looga dhigay ‘Somaliland: Losing patience in the world’s most unlikely democracy,’ waxa si qoto dheer loogu fallanqeeyey sida beesha caalamku iskaga indho-tirtay xaqiiqooyinka dawladnimo ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland, looguna mashquulay in taageero dhaqaale, millatari iyo siyaasadeedba lala barbar joogo Soomaaliya oo hoy u ah dhibaatooyin badan.

“Somaliland waxay dhisatay dawladnimo iyo qaran jiray muddo ka badan 24 sannadood, wax kastoo dawladnimo ama dal jiraa yeelan lahaa way leeyihiin, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin ku dhaqanka sharciga, doorashooyin kala duwan, tixgelinta xuquuqaha aasaasiga ah ee bani’aadamka iyo xasillooni buuxda, laakiin halkii ay ka ahayd in lagu abaalmariyo guulahaas waxa dhacday in beesha caalamku iska indho-tirtay, una muujisay tilmaamo yar oo keliya; haba sheegin in la daryeelo dawladnimadooda, taageerana loo fidiyo, taasna way ogyihiin dadka reer Somaliland, iyagoon weli doonayn inay qirtaan in la iska indho-tiray, haddana waxa soo muuqda in samirku ka sii dhammaanayo Somaliland,” ayaa lagu yidhi warbixintaas oo Jamhuuriya soo xigtay qaybo ka mid ah.

Waxa kaloo warbixinta lagu iftiimiyey waxyaabaha sababay in Somaliland dib ula noqoto madaxbannaanida iyo dawladnimadooda ku dareen Soomaaliya sannadkii 1960-kii, taasoo ay ugu horrayso xasuuqii iyo burburkii taliskii Siyaad Barre kula kacay, “Somaliland muddada ay madaxbannaanida haystay waxay ku guulaysatay dawladnimo iyo hannaan dimoqraadiyadeed oo tusaale u noqon kara dalalka Geeska Afrika, balse dhibka ugu weyn ee xilligan haystaa waa aqoonsi la’aan iyo in beesha caalamku iska indho-tirto xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira.”

“Somaliland waxkastoo dal madaxbannaan looga baahan yahay wuu u dhammaystiran yahay, balse, tallaabada ugu dambaysa ee ay safarka ugu jiraan waa helista aqoonsi caalami ah iyo sidii loogu oggolaan lahaa inay la mid noqoto dalalka casriga ah ee caalamka, hadafkaasina waa xoogga qudha ee ka midaysan yihiin dadka reer Somaliland oo dawladnimo iyo dal madaxbannaan samaystay, laakiin haddana dhibka haysta ayaa ah inay sharci ahaan iyo diblomaasiyad ahaanba ka mid yihiin Soomaaliya oo ah meel aan jirin,” ayuu warbixintiisa ku yidhi weriye Simmon Alliason oo farta ku fiiqay in taageerada joogtada ee beesha caalamka la barbar taagan tahay Soomaaliya oo ah meel aan jirin, dhib iyo burburna ka taagan yahay ay sababayso in la lumiyo Somaliland oo ah dal xasilloon, dawladnimo iyo hannaan dimuqraadiyadeedna ka jirto.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo warbixinta lagu waraystay, ayaa sheegay in     muddo 25 sanno ah la sugayey aqoonsiga beesha caalamka, balse aan ilaa hadda la helin, isagoo tibaaxay in dulqaadka iyo samirku ka sii dhammaanayo reer Somaliland.

 

“Dabcan, samirka iyo dulqaadku wuu naga sii dhammaanayaa, waayo waxaannu suganay muddo 25 sanno ah,” ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi Yoonis, isagoo walaac ka muujiyey waxa ka dhici kara haddii dulqaadku ka dhammaado reer Somaliland iyo cawaaqib xumada arrintaasi laga dhaxli karo.

 

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in dawladda Somaliland shaqayn doonto, siina socon karto si iskeed ah, mabda’ ahaanna rumaysan yihiin haddii si xooggan loo shaqeeyo, loona dhiso qaranka Somaliland in wax kastaaba iska iman doonaan.

“Waa in aannu noqonno dad waaqiciga ku shaqeeya, waana in aannu dhismaha dalkagaya sii wadno, siina xoojinno cadaadiska aannu ku hayno caalamka, kana shaqayno in xasilloonida iyo ammaanku sii adkaado, isla markaana hay’adahayaga dawliga ah sii xooggaystaan,” ayuu yidhi Mr. Biixi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>