Saraakiisha Xisbiga Wadani Iska Casilay Oo Faah-Faahiyay Is Casiladooda, Halka Ay Salka Ku Hayso -

Hargaysa(Duulnews)Saddex Masuul oo xilal sare ka hayay Xisbiga Mucaaradka Ah ee Wadani ayaa maanta ku dhawaaqay in Ay is Casileen iyaga oo ku edeeyay Hogaamiyaha Xisbiga Mid Aan mucaarad-nimadu u dhaadhac sanayn,waxaana uu sheegay inuu Xisboogud Muddo kordhinta qayb ka ahaa.

 

waxa ay shegeen in Ay garan wayeen waxa ay ku qanciyaan Shacabkii iyo Taageerayashaa inuu Xisbigu Mucaarad yahay iyo inuu Xukuumada ka tirsan yahay,Siyaasada Xisbigana waxa ay dhaliileen Hogaamintiisa.

 

Masuuliyiinta is Casilay oo kala Ahaa Mustafe Qodox Xog-hayaha Arimaha Gudaha,Xog-hayaha Qorshaynta iyo Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Ee Xisbiga ayaa tilmaamay in aanay Xisbiga ku siijiri Karin Wakhtigan, ugu horayn Cabdirashiid Riyo raac ayaa sheegay inuu is Casilay waxaana uu yidhi.

 

“Waxaan

 

 

 

 

maanta halkan uga caddaynayaa Saxaafadda iyo shacabka Somaliland inaan iska casilay xilkii aan xisbiga Waddani ka hayay iyo xubinimadiiba,intaas baanu bulshada gaadhsiinaynaa, iscasilaadaas oo ku timid sababo badan oo ay ka mid yihiin in siyaasaddu tahay fikir ama afkaar la iskula tagay, haddii la isku fahmi waayana ay sunne tahay in qofku wuxuu diido iska casilo” ayuu yidhi Mr Riyo-raac.

 

Mustafe Qodox ayaa isaguna Dhawr Arimood is Casilaadiisa sabab uga dhigay waxaana uu yidhi. “Runtii saddexdayadan nooma calaamadsanayn oo kamaanu soo baaraan degin inaanu xisbiga mar ka wada baxno laakiin, waxay noqotay heer qof walba gaadhay inaanu ku sii socon Karin siyaasadda waddani ayuun baanu saaka halkan iskugu nimid. Waxaan caddaynayaa inaan xilkii Waddani iska casilay, kana baxay xubinimadii islamarkaana hawlahayga gaarka ah qabsanayo, waxaana iscasilaadayda kow ka ah inaanu isku afkaar noqon waynay hogaanka xisbiga” ayuu yidhi Mudane Qodax.

 

Intaas waxa uu ku daray.”Markaas waxaan isleeyahay fikir Madhalaysa Ah Ayuu iska noqonayaa meel aanad ku qanacsanayn inaad siijoogto wakhti lumis ayay ila tahay dhankayga,waxaad lasocotaan in dalkani iyo dadkiisu aanay rabin in ay doorashooyinku dib u dhacaan inaanay dan u ahayn waa la ogyahay,waxaan aamisanahay in mudo kordhinta xisbi ahaan qayb ka ahayn,anaga oo qancin kari waynay Tageerayaashii wadani iyo dadkii aanu xisbiga ku soo jiidnay ayaanu ku qancin kari waynay inaanu nahay Xisbi mucaarad iyo mid Muxaafidnimo,Faraq noo dhaxeeyaan Majiro.

 

Mustafe waxa uu ka dhawaajiyay inaanay siyaasada xisbiga wadani fir-fircoonayn,heshiiskii lagu gaadhay madaxtooyada waxa uu isagu sheegay inuu ka baxay markii uu u arkay inaanay dalka iyo dadkaba dani ugu jirin isaga oo fadhiya cabdiraxmaan ciro waxaana uu yidhi.

 

“Waxaan anigu ka baxay kulankaas oo ka dhacay madaxtooyada aniga oo u arkayay inuu saacidayo waxaanu diidanayn kulankani,Anaga oo xaraan ku tilmaamnay go’aanka guurtida oonu u arkayna inaanu wakhtigan munaasib Ah,hadana inaanu saxeexno go’aan odhanaya Go’aankii guurtida waanu ixtiraamaynaa,aniga qof Ahaan iyo damiir Ahaan way isiin wayday,mudo kordhinta iyada oon lagaadhin ayay xisbiyadu iyagu mudo kordhinta u sameyeen taasina maaha mucaaridnimo.

 

Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee xisbiga mucaaradka ah ee wadani waxa uu si cad ugu dhawaaqay inuu isaguna iskaga tagay xisbiga isaga oo ku edeeyay inaanu haynin Dhabadii lagu garan jiray Axsaabta mucaaradka,Dhalinyaradii xisbigana waxa uu sheegay inuu u mahad naqayo.

 

“Aniga oo miyirkayga iyo maankayga qaba waxaan halkan bulshada somaliland uga cadaynayaa inaan xilkii Aan Xisbiga u hayay iska casilay,Runtii hawlaha dhalinyarada ayaa iyaduna sidii loogu talo galay u soconin,taasina waxa ay cadaynaysaa runtii inaanan xisbiga wakhti badan ku lumen Karin inaan xisbiga wadani soo jiigo.

 

Hadalkan ka soo yeedhay Saddexan Masuul ee ka tirsanaa Xisbiga Mucaaradka Ah ee wadani ee xilalka ay hayeen iska casilay ayaa guddoomiyaha wadani ku edeeyay inaanu ahayn mucaarad Dhab Ah oo shacabka Majaraha Dalka u qaban Kara.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>