Shiir uga qabsoomay magaalada Bristol ee carriga ingiriiska beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale) iyo qodobbo muhiim ah oo ka soo baxay shirkaas‏‏

LONDON: (DUULNEWS)-Waxaa maallintii Axaddii kuna beegnayd 7/5/2015 kulan uga qabsoomay jaalliyadda beesha Daa,uud Ismaaciil(Ciidagale) ee deggen magaalada Bristol ee carriga ingiriiska kulankaas oo lagaga wada hadlaayey arrimo badan oo gaarahaan khuseeya beesha guuda ahaanna ku lug lahaa dalka Somaliland,shirkaas oo si meeqaam sare ah ay u soo agaasimeen jaaliyadda deggen magaladaas,waxaana hadallo soo dhowayn iyo warbixin isugu jiray ka jeediyey odayaasha magaalada kana mid ahaayeen Mudane Cabdkariim Jamac Dagaal(Halac) iyo Mudane Cabdulqadir Cali Baraar,soo dhowayntaas ka dib waxaa hadalka la wareegay guddoomiyaha qurba joogga beesha mudane Deeq Cabdi Digale waxaanu ku dheeraaday midnimada beesha iyo ilaalinta nabadgelyada dalka jamhuuriyadda Somaliland,waxaa kale oo isna hadallo dhaxalgal ah ka jeediyey guddoomiyaha jaalliyadda beesha ee magaalada Coventry mudane Fuad Cisman Shibiin oo tilmaamay warbixnno dhawra oo beesha khuseeya,waxaa kulankaas ka soo qayb galay guddoomiyaha ururka samafalka ah ee Haldoor oo deggen dalka maraykanka mudane  Asad Yusuf Ismacil oo booqasho ku jooga dalka uk kana war bixiyey waxqabad ay la damceen in uu ururku ka fuliyo magaalada Hargaysa,waxaa isna sidaas oo kale uga war bixiyey mudane Xamse jamac Iman labada masuulba waxay ku adkeeyeen carrabka sida loogu baahanyahay in dalka Somaliland lagu tabco lagana qayb qaato horumarka dalka, shirkaas waxaa laysla qaatay qodobbadan soo socda.

  1. In beelaha reer Somaliland jirtaanka qarannimada meel uga soo wada jeestaan.
  2. Beeluhu in ay ka feejignaadaan in Somaliland cadawgeedu kala furfuro.
  3. In ay ka wada qayb qaataan shacabka reer Somaliland horumarka dalka iyo ilaalinta nabadgelyadiisa.
  4. Beesha Daa,uud Ismaaciil (ciidagale) in ay hormood ka ahaato midnimada beelaha reer somaliland.
  5. Qurbajoogga beeshu waxay taageersanyihiin gudida 12 caaqil iyo jiif caaqillada ah boqor Raabina ka mid yahay ee suldaanka guud ee beelaha Somaliland suldaan Maxamed suldaan Cabdulqadir u xi saaray in ay beesha shir u soo qabanqabiyaan siina ahaadaan gudida guud ee beesha inta laga dooranayo gudidii si rasmiya hawsha ula wareegi lahayd ee shirka lagu dooran lahaa, shirkaas oo ay kaga tashanayso ayaheeda iyo guudahaan aayaha dalka Somaliland intaba.
  6. In xukuumad kasta oo dalka ka talisa lagala shaqeeyo horumarka dalka lagana yeelin hoggaan qalloocan.
  7. In wixii khilaafad ah laysugu saamaxao dar Alle.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>