“Shirku Wuu Qabsoomayaa Hadii Ay Jeceshay Iyo Haddii Ay Necebtahayba(Xukuumaddu)”. Xasan Guure Jaamac

Hargaysa: (Duulnews)-Gudoomiyaha Madasha Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranka Somaliland, Md. Xasan Guure Jaamac,ayaa sheegay in haddii ay Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo isku daydo inay hor-istaagto Shirka Wadatashiga Qaran aanay ka baajin doonin inay qabtaan shirkaas,waxaana uu sheegay in haddii ay Cidi awood wax ku horjoogsanayso uu Siyaad-barre Dalka haysan lahaa oo aanay cidina ka rideen.

Waxaana uu intaas raaciyay inay Dalka ka hayso Lex-lo jeclo badani,isla markaana ay Dalka u tudhayaan“ Shirku wuu qabsoomayaa hadii ay jeceshay iyo haddii ay necebtahayba(Xukuumaddu),wuu qabsoomayaa,Haddii cududi timaado,Maxamed Siyaad-barreba cududiisii socon weyday.cidd taas qabtaana candhuufteeda dib-hawliqdo” ayuu yidhi Xasan Guure

Waxa uu intaas raaciyay Inay Dalka halgan dheer usoo galeen,isla markaana ay u tudhayaan “Intaasba lexlo-jeclo ayaa nahaysay,Dadkay lexlo-jeclo badani naga haysaa,umaanaan iman,umana jeedno in aanu ka shaqaysano,in aanu Kursi ku helnana umaanaan Dagaalamin,umana socono.waxaanu u soconaa Dimuqraadiyad iyo Cadaalad in laysku Xukumo.taladda Dalka Mudo ayaa la siiyay Madaxweynaha maanta talada haya,Mudaddii wey ka dhamaatay,waxaanay gaadhay Wakhti ay dhamaatay Mudaddii aanu isku ogayn.hore waxaan u idhi 27 Julay,2015-ka haddii ay gaadho aniga iyo Axmed-siilaanyo talada ma kala xigno,waayo muddaa la doortay”.ayuu hadalkiisa kusoo xidhay Muj. Xasan Guure

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>