Shirwaynahii beesha Ciidagale ee ku dhaqan Uk oo ka qabsoomay London

Raaar(Duulnews)-Waxa   si rasmiya uga furmay caasimada wadanka Uk ee London shir baladhan oo ay soo qaban qabiyeen Beel Weynta Beesha Ciidagale ee ku dhaqan Uk oo ka kala yimid dhamaan Gobolada uu ka kooban yahay wadankan Uk shirkan oo ahaa mid xogwarama iyo talooyin shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan Aqoonyahanka iyo Garabyada Haweenka iyo Dhalinyarada ,Aqoonyahanka iyo Gudida beesha Ciidagale ee Uk. Shirkan ayaa waxa lagu furay ayadaha quraanka kariimka , dhamaan xubnahii ka soo qayb galay shirka ayaa waxa muhiimada la saray sidii loo xoojin laha   Midnimada iyo wadajirka beesha iyo wax

wada qabsiga beesha iyo sidii loo horumarin lahaa deeganada beeshu degto ,waxa iyaguna goobta ka hadlay Garabka haweenka ee Beesha oo uga mahad celiyey dhamaan xubnahii ka soo qayb galay shirkan iyaga oo talooyin iyo fariimo gaadhsiyey xubnahii ka soo qayb galay shirkan ugana mahad celiyey sida wacan ee ay uga soo qayb galeen , waxa goobta iyaguna ka hadlay dhalinta beesha oo qayb libaax ka qatay hirgalinta shirkan iyaga oo goobta ka shegay inay bilaabi donaan diwaan galin dhaman wadanka Uk iyo sidii loo xojin laha xidhiidhka beesha Gudaha iyo Dibada iyo sidii loga qayb qatan lahaa siyaasada wadanka .gabagabadii shirka ayaa waxa uu ku dhamaaday jawi aad u qurux badan iyo is afgarad iyo Midnimo buuxda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>