Somalia Oo Diidday In Soomaalida Koonfureed ee Tagaysa Somaliland la Weydiiyo Passpor-ro

jawaari(Duulnews)-Xukuumadda Federal-ka Somalia, ayaa si weyn uga soo horjeedsatay in Dadka soomaaliyeed ee  tegaya Somaliland la weydiiyey inay Passporka soomaaliga ah.Jawaari Xukuumadda Somaliland, ayaa marar kala duwan sheegtay inay joojisay qaabkii hore ee ay isugu socon jireen dadka Soomaaliya tegaya ee Madaarrada Somaliland ka dhoofaya iyo kuwa Soomaaliya ka imanaya ee Madaarrada Somaliland ka soo degaya oo aan markii hore wax Baasaabboor ah qaadan jirin ama shuruudba lagaga dhigi jirin.

Hase-ahaatee, sida uu marar kala duwan sheegay Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, waxay Somaliland ku soo rogtay inay Baasaabboor qaataan dadka u dhoofaya Muqdisho iyo gobollada kale ee Soomaaliya iyo weliba dadka ka soo dhoofaya ee Somaliland imanaya, taasoo caqabad ku noqotay badi dadka isaga gooshaya Somaliland iyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo arrintan ka hadlay, ayaa ku dooday inaanay dhici doonin in qof Muwaaddin Soomaaliyeed ahi uu Baasaabboor ku tego magaalada Hargeysa, isla markaana ayaanay marnaba aqbali doonin in Soomaaliya look ala qaato Baasaabboor.

 

Prof: Jawaari oo Sabtidii Saxaafadda kula hadlay Muqdisho, waxa uu sheegay inay ku dedaali doonaan in dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray laga saaro kala qoqobnaanta, waxaanu yidhi; “Baarlamaanka Soomaaliya marka uu billaabo Kal-fadhiga lixaad, waxaan guda-geli doonnaa in aan falanqeyno sida ugu macquulsan ee loo soo celin karo Sharaftii iyo haybadii ay laheyd ummadda Soomaaliyeed, Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Golaha Xukuumadda waxaa dhammaan ka go’an in Soomaaliya laga bixiyo kala qoqobnaanta.”

 

“Waxaan leeyahay saddex ayaa Soomaali dilay, Qabiil, Diin qalloocan iyo Nin-jeclaysi, haddii Baarlamaanku soo laabto ma aqbali karno Somaliland ayaa Baasaabboor lagu galayaa, waxay Baarlamaanka samayn doonaan sidii arrintaas looga hor-tegi lahaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo go’aankan Somaliland hore u soo saartay ka hadlayey.

 

Dhanka kale Ku Simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu la xisaabtamayo dhammaan Maamul-goboleedyada dalka ka jira, isla markaana Guddiyada Baarlamaanka ay u yeedhi doonaan Wasaaradaha ku shaqada leh Federaalka iyo Maamul-goboleedyada dalka Soomaaliya ka jira iyo kuwa haddadanba dhismahoodu socdo.

 

Somaliland ayaa 18-kii May sannadkii 1991-kii magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer kaga dhawaaqday inay ka go’day dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay la midawday 1-dii luulyo 1960-kii maalintii ay Soomaaliyada Koonfurtu xornimada ka qaadatay Gumaystihii Talyaaniga, halka ay Somaliland-na Xornimada ka qaadatay Boqortooyada Britain oo shan cisho ka hor Soomaaliya 26 June 1960-kii, waxaanay goosatay dagaal qadhaadh oo Ururkii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM la galay dawladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya markii ay burburtay 1991-kii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>