“Somaliland baa la caayayaa,Guurtiddaa la caayayaa,marka Saleebaan oon guurtinimo meelna ku lahayn la yidhaahdo waa Gudoomiye guurti”. Muj Cali Gurey

Hargaysa: (Duulnews)-Gudoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka,ee Ucid, Md. Cali Yuusuf ‘cali gurey’,ayaa siadag u sheegay in Saleebaan-gaal qeyb weyn ku lahaa qalaasihii iyo dhibaatooyinka dalka kazoo dhacay xiliyaddii dagaaladda Sokeeye.waxa uu sheegay in Gudoomiye Saleebaan ka mid ahaa hogaamiyaashii ka dhex hurin-jiray colaadaha iyo dagaaladda Sokeeye beelaha walaaha ah ee wadda degga gayigga Soamliland,waxaan uu intaas raaciyay in aanu meelna kazoo galin guurti-nimadda,isaga oo Khilaafka haatan dalka ka aloosanna dusha u saaray Gudoomiye Saleebaan-gaal.

Muj Cali Gurey,oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaaladda Hargaysa,ayaa uu ka mid ahaa hadaladiisii;“ Saleebaan,waan aqaanaa,anigu ilaa Sagaashankii ayaan aqaanay.dadku waa samo-talis iyo xumo-talis.markhaati waxaan ka ahay,oo maalinta qiyaamaha laysoo taagaa,intaas dhacdo xun kasoo dhacday dalka inuu mid walba xumo-talis ahaa,maantana xumo-taliskii uun yahay.Somaliland baa la caayayaa,Guurtiddaa la caayayaa,marka Saleebaan oon guurtinimo meelna ku lahayn la yidhaahdo waa Gudoomiye guurti”.ayuu yidhi Cali gurey.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>