SOMALILAND:Fadeexaddo Maaliyadeed Oo Dul-hoganaya Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha Iyo Wasiirka Oo Saaka Odhit Galiyay Guud Ahaanba Qeybaha Wasaaradda Ciyaaraha

Hargaysa: (Duulnews)- Warar lagu Kalsoonyahay oo aanu ka helnay Xayndaabka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland,ayaa badka soo dhigay musuq iyo maamul-xumo baahsan oo la deris noqotay Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo qaranka uga masuul ah hawla Sport-ga iyo Dlxiiska. Wasaaradda ayaa waxa Maalmihii ugu danbeeyay hadheeyay Muran iyo is-jiid-jiidad u dhexeeya Agaasimaha Guud,Wasiir Ku-xigeenka,Wasiir Iyo Dhawr agaasime-qaybeed oo Wasaaradda ah.

Xogaha ayaa intaas ku daraya in Xudunta muranka ugu weyni ka taagan yahay tahay arimo dhaqaale,iyada oo Account-ka Wasaaradda laga waayay Lacago badan oo Masuuliyadeeda uu Wasiirku Madaxa u Saaray Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Xuseen Dhabeeye,oo lagu eedeeyay inuu Lunsaday Lacago aad u tiro badan oo lagu Fulinayay shaqooyin muhiim u ah Wasaaradda,gaar ahaana qaar lagu dayac-tirayay Garoomo iyo qabashadda kulamo Ciyaaro ah oo loo qabanayay qaar ka tirsan Magaalooyinka Waaweyn ee Dalka,waxaana la sheegaya inuu qarashkaasi Wasaradda ka soo gaadhay qaar ka tirsan Shirkaddaha Waddaniga iyo Haay’adaha Caalamiga ah ee Wasaaradda kala shaqeeya arima dhalinyaradda iyo Dalxiiska.

Wasiirka Wasaaradda Md.Axmed Cabdi Kaahin oo dhacdadani Amakaak ku noqotay ayaa Saaka hiirtii hore waxa uu galiayay Wasaaradda Sarkaal Odhit,waxaana la sheegayaa in aanay Wali xogo faah-faahsani kasoo bixin natiijadda Baadhitaanka.

Si kastba ha ahaatee,dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa Xili loo balansanayahay inay Dalka ka bilaamaan Tartankii Goboladda Somaliland oo qeybaha kala duwan ee Bulshaddu si weyn ugu dhursagayaan,uguna xiiso iyo Xamaasad hayaan.Balse Musuqan iyo Maamul-xumadda ragaadisay Wasaaradda iyo soo-ifbixidda Fadeexaddaha Maaliyadeed ee Agaasimaha guud dul-hoganaya,ayaa laga cabsi qabaa inay dhabar jab ku joqdaan inay si hufan Dalka uga qabsoomaan Tartanka Ciyaaraha Somaliland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>