SONYO Oo Daah-Furtay Mashruuca HAN iyo HAL-ABUUR Ee Soo Bandhigga Hibooyinka Iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada

cukuseHargaysa: (OWN)-Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa daah-furtay Mashruuca HAN IYO HAL-ABUUR oo ah mashruuc SONYO ku dhiirri-gelinayso Hal-abuurka iyo hindisaha midho dhalka ah ee dhallinyarada Somaliland la timaad si aynu dhammaanteen gacmaha isugu qabsanno wax soo saar toolmoon oo dalkeena iyo dadkiisu ku horumaraan, waxaana furitaanka Mashruucan lagu ibo furay Hindisaha Wiil dhallinyaro ah oo reer Somaliland ahi ku hindisay samaynta Diyaarad Helicopter ah oo uu ku hawlan yahay muddo sagaal sanadood ah imikana maraysa heer wanaagsan.

 

Xaflad ka dhacday Hoolka shirarka ee dalladda SONYO ayaa maanta lagu daah-furay mashruucan qiimaha leh iyada oo ay ka soo qayb galeen Madax qaran, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo dhammaan daneeyayaasha arrimaha dhallinyarada si Muwaadinka hindisahan layaabka

 

 

 

 

leh la yimid loo barbar joogsado guud ahaana mashruucan dhidibada loogu taago si uu u noqdo mashruuc ballaadhan oo lagu soo bandigo Hanka iyo Han-abuurka dhallinyarada.1

 

 

 

Xafladda Daah-furka Mashruucan oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne ku xigeenkii Hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaam Maxamed Cabdilaahi Cirro, Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah odayaasha waaweyn ee Qaranka, Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, Saraakiil khibrad u leh duulimaadyada iyo diyaaradaha, Aqoonyahano iyo madax kale ayaa waxa ugu horrayn halkaasi hadalo ka soo jeediyey Agaasimaha Dalladda SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed. Agaasimaha SONYO waxa uu sheegay in Mashruucan oo aanay cidina SONYO ka taageerayn uu yahay mid bulshada oo dhan u furan oo aan ahayn wax cid gaar ahi leedahay, waxa aynu maanta ku ibo furi doonaa hindise uu keenay Muwaadin Siciid Cabdi Jiidhe oo ah ninkaa dhallinyarada ah ee Hindisay maskaxdiisana ka keenay in uu sameeyo Diyaarad ah Nooca Qummaatiga u kacda, hankaasi oo ah mid culus oo dareenkayaga taabtay, mudanna in la taageero dhammaana qaranka loo soo bandhigo si aan u noqono ummad waxa wanaagsan isku garab gasha ee aan is niyad jabin. “Han iyo Hal-abuur, waa madal aan ku qarxin doono kuna soo bandhigi doono hibooyinka ka soo burqanaya maskaxda jiilka cusub ee Somaliland oo u baahan in la garab joogsado. Dhismaha diyaaradda Helicopter-ta ahi waa mashruuc aan ku xaqiijinayno in uu noqdo han iyo himilo hir-gasha si aan ugu dhiirrano in aan dhammaan ka run sheegno himiladeenna iyo hal-abuurka da’yarteenu la timaad. Waxa noo sharaf ah in intaasi oo aqoonyahan iyo siyaasi ahi nagu garab joogsadaan iyada oo aanu kulammo dambena u samayn doono bulshada qaybaheeda kala duwan si mashruucan hareeraha looga joogsado”.

 

 

Agaasimaha SONYO waxa uu ka soo qayb galayaashii furitaanka Mashruucan u sheegay in ujeedada kulankani tahay in Eng. Siciid Cabdi Jiidhe iyo cid kasta oo la timaad Hindise wax soo saar aan isku garab taagno dhawrkan qodob:

 

-Teegeero Farsamno

 

– Taageero dhaqaale

 

– Dhiirri-gelin iyo abaabul dhinacyada lagala joogsado si aanay u baabi’in hal-abuurnimadii la hindisay

 

-Talo iyo Tusaalayn ku aaddan wax-soosaarka uu hindisay qofka muwaadinka ahi gaar ahaan dhallinyarada.

 

Hadalka Agaasimaha SONYO kadib waxa madasha ka hadlay Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-waraabe) oo wax lagu farxo ku tilmaamay mashruucan isaga oo ku baaqay in Xukuumad, Axsaab, Baarlamaan iyo dhammaan shacabba, dhinacyada laga galo hir-gelinta Mashruucan isaga oo si gaar ah ugu hambalyeeyey hindisaha wiilkaa dhallinyarada ahi la yimid. “Hammi weyn weeyi waxa uu ninkaa dhallinyarada ahi ku hammiyey. Waa riyo weyn oo la doonayo in aan la rumayno. Sharaf ayay innoo tahay in aan noqono dad sidan u fikiraya oo ku hammiyaya in ay diyaarado samaystaan. Waa wax aan Afrika iska daaye in badan oo adduunka ahi ku fikirin. Maalinkii uu soo mariyey jidkaa Madaxtooyada hor mara ee xuskii 18-ka May ee Diyaaraddii oo socota la arkay waan ilmayn gaadhnay. Waxa ay noqotay wax ididiilo leh oo aad arkayso in umaddani mustaqbal weyn leedahay haddii ay sidaa u fikiraan oo isu gargaarsadaan waxqabadkooda”.

 

 

Dhinaca kale waxa madashii daah-furka Mashruucan ka hadlay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo isagu ah Injineer duulimaad oo ku takhasusay dhinaca duulimaadka iyo diyaaradaha. Mujaahid Cabdiraxmaan waxa uu ku baaqay in shacabka Somaliland noqdaan kuwo dhiirri geliya Mashruucan gaar ahaan qaybtan lagu furayo hirgelinta dhismaha diyaaradda ee uu Hindisay Siciid Cabdi Jiidhe. Waxaan ku baaqayaa in aanu diyaar u nahay intayadii wax ka baratay farsamadan ee aqoonta u lihi in aanu wiilkan garab joogsanno. Waxaan hubaa in ay jiraan aqoonyahano badan oo aan wada garanayo oo dalka jooga, kuwaasi ayaan abaabuli doonaa oo aan doonaynaa in ay arrinkan qiimaha badan garab istaagaan. SONYO waa mahadsan tahay dadaalka ay ugu jirto horumarinta dalka iyo dhallinyarada”.

 

Waxa isna madasha daah-furka Mashruucan ka hadlay Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Xubno kale oo siyaasiyiin iyo aqoonyahano ah oo dhammaantood iska daba maray muhiimadda mashruucan oo ay ku tilmaameen midkii ugu muhiimsanaa ee la qabto kaasi oo ah iftiin u muuqda horumarka dalkeena.

 

 

Gabagabadii Daah-furkan waxa warbixin ka soo jeediyey oo su’aalo lagu waydiiyey Injineer Siciid Cabdi Jiidhe oo ah ninka dhallinyarada ah ee la yimid Hal-abuurkan Dhismaha Diyaaradda Helicopter ah kaasi oo masuuliyiinta xafladdan ka soo qayb gashay u soo bandhigay warbixin dheer oo la xidhiidha geeddi socodkii hawshani soo martay iyo duruufihii uu la soo maray dhismaha diyaaraddan isaga oo ka sheekeeyey sida ay ugu dhalatay fikraddani iyo heerka ay maanta taagan tahay oo ah heer gabagaba ah oo u baahan uun xaalxaalkii ugu dambeeyey.

 

Guntii iyo gabagabadii xafladda daah-furka mashruucan ayaa la iskula qaatay in kulamada noocan oo kale ah la sii badiyo si bulshada qaybaheeda kala duwan loogu soo bandhigo muhiimaddan mashruucan oo u baahan in aan dhammaanteen iska kaashano.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>