Sonyo Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saartay Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland,Fariimo Muglehna Kaga Hadlay.

(Duulnews)-Dallada SONYO waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa dhammaan shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo gaar ahaan bulsho-weynta Da’yarta ah oo u dabaal-deggaya sannad-guuradii 24aad ee kasoo wareegtey dib-ula-soo-noqoshadii qaranimada iyo dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland. Dallada SONYO waxay dhammaan dadweynaha iyo dalka JSL u rajaynaysaa badhaadhe iyo horumar taam ah, aqoonsi buuxa, wada-jir iyo nabadgelyo buuxda.Sonyo

 

2.Milicsiga Sooyaalkii Taariikheed ee Jamhuuriyadda Somaliland:

 

Waxay ahayd 1960kii, bishii 6aad, 26-keedii markii dadweynaha Somaliland (iyagoo ah Maxmiyada Somaliland ee Ingiriiska) hantiyeen gobonimadoodii ay mudada badan u haraadanaayeen, iyagoo ka hoos baxay xukunkii gumeystaha. Dabaysha isu-keenida wixii loogu yeedhi jirey midnimada 5-ta Soomaaliyeed oo xooganayd darteed, bulshada Somaliland waxay si deg deg ah u goosteen inay ka tanaasulaan inay noqdaan

 

 

 

 

qaran iskii isu taaga iyagoo la midoobey Soomaaliyadii talyaanigu gumeysan jirey oo iyaduna xornimadeeda heshey 1-dii bishii 7aad, 1960-kii. Hanka midawgu wuxuu ahaa in la helo dal mideeya Soomaalida degen ee ku nool Geeska Afrika, arrintaas oo noqotey himilo ka dhabaynteedu adag tahay isla markaana dareen colaadeed ka oogtey gobolka Geeska iyadoo qorshahaas ay ku gacan-saydheen waddamada Kiiniya iyo Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, markii midawgii labada dal ee Somaliya iyo Somaliland qalinka lagu duugay, waxaa la unkay dawlad rayid ah oo ka hawlgasha sidii bulshooyinka midoobey isula jaanqaadi lahaayeen, isla markaana loo midayn lahaa dhaqaalahii iyo hanaankii dawladnimo ee dhinacyadii midoobey. Warwarkii ay bulshaddu ka qabtey gaabiska dawladnimo ee midawgii Jamhuuriyadii Soomaalidu (Somali Republic) waxaa sii kordhiyey ficiladii kali-talisnimo ee ka muuqanayay taliskii milatariga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.

 

Maamul-xumadii talisku waxay keentey in shacbigii walaalaha ahaa ay kala irdhoobaan, tacadigu uu bato isla markaana caddaaladu idlaato. Ka dib, barakac, dhimasho laxaad leh oon loo aabo-yeelin waayeel, caruur, bir-ma-gaydo iyo cago-jugleyn gaagixisey rajadii dadka isla markaana gobneysey hal-abuurkii iyo hiigsigii bulshadda waxaa bilaabmey dhaq-dhaqaaqyo hubeysan kuwaasoo lagu dagaalamay taliskii Siyaad Barre. Kacdoonadii aan look ala hadhin ee shacabka iyo halgankii hubeysnaa waxay sababeen inay cuuryaanto awoodii taliska taasoo ugu dambeyntiina dhalisey inay Somaliland hantido xornimo buuxda kana tashado masiirkeeda iyo aayaheeda umadnimo.

 

Waxay 1991-kii beelaha Somaliland degaa ku heshiiyeen gooni-isu-taaga Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo la unkay haykal dawladnimo iyo goleyaal igman oo hawshooda ugu weyni ahayd nabadaynta dalka iyo in xukunka dawladnimo furfurnaado oo fursad siiyao bulsho-weynta. 1993-kii ayaa shirweyne

 

qaran lagu qabtey magaalada Borama ee gobolka Awdal. Shirkaas oo la dhisay dawlad bedeshey tii ay hoggaaminayeen, Marxuum, Cabdiraxman Axmed Cali iyo Mr. Xasan Ciise Jaamac, waxaana shirkani hoggaan u doortey Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo Mr. Cabdiraxman Aw Cali Faarax. Waxaa xusid mudan in Jamhuuriyadda Somaliland ka dib 10-sanno oo ay ku dhisneyd Nidaamka Siyaasadeed ee Hab-beeleedka in 2001-dii loo guurey Hanaanka Siyaasadeed ee Axsaabta badan. Kala guurkani waxaa uu u dhacay si la yaab leh, si nabdoon oo aanay ku jirin murano-siyaasadeed oo keeney colaado, dirir, iwm.

 

Jamhuuriyadda Somaliland waxay haatan jirtey 24-sanno iyadoo horumar la taaban karo ka samaysay dhinacyada Dhaqan-dhaqaale, Siyaasadeed iyo Dawladeedba. Waxaase lama dhaafaan ah in Bulshada Somaliland ay wali tabayso garwaaqsiga bulshadda caalamka iyo aqoonsiga jiritaankooda ay usoo hagar-baxayeen 24-kii sanno ee u dambeeyey.

 

 

  1. Doorkii Dhallinyaradda ee Nabadaynta iyo Dib-u-dhiska Dalka:

 

Waa xaqiiq biyo –kama-dhibcaan ah in dhallinyaraddu ay ahayd tiirarkii uu ku hano-qaaday halgankii hubeysnaa ee lagu kadeedey taliskii arxanka darnaa ee Siyaad Barre. Daýartu sidoo kalena waxay ahayd cududii dhidibada loogu adkeeyey nabadayntii dalka. Waxaan taariikhda JSL marnaba ka duugoobeyn, garaadkeenuna hilmaamayn doorkii lama huraanka ahaa ee dhallinyaradda Somaliland ka qaateen Hub-ka-dhigistii iyo nabadeyntii ay gadhwadeenka ka ahaayeen waxgaradka, odayaasha iyo cuqaasha dalku. Sidaa daraadeed, waxaa la odhan karaa daýarta Somaliland waa sirta u dhaxaysa Somaliland iyo waddanka Soomaaliya oo ilaa haatan aan lagu guuleysan in la nabadeeyo. Sababtoo ah. Dhallinyaradii hubeysneyd waagaas waxay goáansadeen inay u hoggaansanaadaan dalabkii waayeelkooda iyo waxgaradkooda isla markaana si shuruud laáan ah u dhigaan hubkii laxaadka lahaa ee ku jirey gacmahooga.

 

Daýarta Jamhuuriyadda Somaliland waxay kaalin laxaad leh ka qaateen dib-u-dhiska qaranimo ee Somaliland iyagoo door weyn ka ciyaarey horumarka dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Somaliland samaysay mudadii 20-ka sannadood ahayd ee ay jirtey. Dhallinyarada Somaliland waxay xil-weyn iska saareen habsami-u-socodkii doorashooyinkii kala dambeeyey ee dalka ka qabsoomey, iyagoo ahaa iyagoo ahaa laf-dhabartii mashaariicdaas doorashooyinku ku tamarinayeen: waxay ahaayeen Maamule Goob Doorasho ilaa Codeeye, waxay ahaayeen xamaasadii dhaqaajinaysay ololeyaashii axsaabta, waxay ahaayeen cod-bixiyeyaashii taagnaa safafkii dhaadheeraa ee doorashooyinka, waxay ahaayeen ilaaliyeyaal u feejignaa ka hortaga xasilooni darro kasta oo maleegan.

 

  1. Somaliland si ay uga midho-dhaliso yoolkeeda una xoojiso horumarkeeda, maxaa la gudboon?

 

Dallada Dhallinyaradda Somaliland ee SONYO waxay aaminsan tahay in horumar iyo dawladnimo mudan in la garwaaqsado ay manta Somaliland ku naalooneyso. Sidaa daraadeed Dallada Dhallinyaradda SONYO waxay ugu baaqeysaa Beesha Caalamka iyo Wadamada Dunnidaba inay garawshiyo siiyaan qadiyada aayo-ka-tashiga iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana Somaliland loo haneeyo Aqoonsiga Caalamiga ah ee ay u qalanto.waxaana xusid mudan in Ictiraafka Somaliland uu yahay abaal-gud lagu garawsanayo dedaalka, xasiloonida iyo haykalka dawladnimo ee ay umaddi dhisato in lagu garab galo sidoo kalena loogu quus-goynayo in xasilooni-daridda iyo dawladnimo laáantu yihiin waxaan dunnidu soo dhaweyneyn isla markaana aanay jecleyn inay ku faafto bulshadda caalamka.

 

Dallada SONYO waxay tallo iyo tusmaba kusoo jeedinaysaa qoddobadan soo socda oo ay u aragto inay adkeynayaan horumarka dhaqan-dhaqaale isla markaana dabooli karaan baahiyo badan oo maanta dalkeena horyaala:

 

  1. Dallada SONYO

 

  1. Si loo adkeeyo nabadgalyada, isla markaana looga faaíideysto garaadka, tamarta iyo kartida dihin ee dhallinyaradda, waxaa Somaliland (dawlad, ganacsato iyo bulshada rayidka ahba) la gudboon inay xooga saarto sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa daýarta Somaliland oo iyagu ah qaybta ugu badan ee dadweynaha Somaliland.

 

  1. Si dhaqaalaha Somaliland loo kobciyo in wax-ka-badal iyo adkeyn lagu sameeyo nidaamka cashuuraha dalka, sidoo kalena la dar-dar galiyo Sanduuqii Sakada ee Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamuud Siilaanyo ku dhawaaqey, kaas oo wax weyn ka tari kara la dagaalanka saboolnimda, shaqo-laáanta iyo cudurada faafa.

 

  1. Si la isugu xidho Waxbarashada iyo Wax-soo-saarka, waxaa haboon in Manhajka Waxbarasho ee dalku noqdo mid ku jihaysan wax-soo-saarka dalkeena, isla markaana daýarta baraya Waajibka dalkoodu ku leeyahay iyo Xuquuqda ay iyagu qarankooda ku leeyihiin.

 

  1. Waxaa maanta aad loogu baahan yahay in la sameeyo Nidaam dhameystiran oo lagu yagleelo Waxbarashadii farsamo (vocational education and qualification framework), sdi loo helo xoog iyo xirfad wax-soo-saar oo toolmoon, kana qaybqaadata dib-u-dhiska dalka.

 

 

  1. Si Nidaamka Siyaasadeed ee dalku u kobco isla markaana uga koro heerka uu maanta taagan yahay, waxaa haboon in la qabyo tiro wixii shuruuc ah eek u saabsan hanaanka siyaasadeed ee dalka, isla markaana caqabadaha sharci ee cuuryaaminaya ka qayb-galka siyaasadeed ee bulshada qaybaheeda kala gadisan meesha laga saaro oo laga gudbo.

 

  1. Si loo adkeeyo Nabada iyo Xasiloonida dalkeena oo ah aasaaska koboca dhaqan-dhaqaale iyo dimoqraadiyadeed ee Somaliland, waxaa loo baahan yahay in amniga ilaalintiisa loo feejignaado, loona arko adkeyntiisa mid ay ku xidhan yihiin waxyaabo badan oo ay ka mid tahay kobcinta dhaqaale iyo jihaynta dhallinyaradda Jamhuuriyada Somaliland.

 

  1. Waxaa sidoo kale haboon, in la kordhiyo qadarka miisaaniyadeed ee loo qoondeeyo sannad kasta dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Kobcinta Wax-soo-saarka iyo Shaqo-abuurka dhallinyaradda.

 

  1. Maadaama Caddaaladu tahay aasaaska wada noolaansho ee bani-aadamka waxaa Somaliland la gudboon inay xoojiso caddaaladeeda, qabyo tirto xeerarka iyo shuruucda khuseeya caddaalada isla markaana u feejignaato ilaalinta xuquuqda muwaadinka.

 

  1. Dallada SONYO waxay tallo kusoo jeedin lahayd in lagu dhawaaqo lana aasaaso Sanduuqa Horumarinta Somaliland—kaas oo muwaadiniinta dalku gaar ahaan qurbo-jooga, ganacsatada, hantileyda iyo bulshada qaybaheeda dhaqaale ahaan awoodaa ay ku tabo-rucaan bishii qadar lacageed oo aad u yar marka loo eego qof qof balse badan marka la isku geeyo oo tusaale ahaan ku siman ilaa hal doolar bishiiba mar. Waxaa hubaal ah in lacagtaasi wax weyn ka tari lahayd dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaale iyo horumarka dalka iyo dadkiisaba.

 

  1. Ugu dambeyn Dallada SONYO waxay ugu baaqeysaa Dhallinyaradda JSL inay la yimaadaan Midnimo, Wax-wada-qabsi, Afkaar toolmoon iyo Tabaruc ay xoogooda u tabo-rucaan dalkooda iyo dadkoodaba.

 

Dallada Dhallinyaradda Somaliland ee SONYO waxay hambalyo u direysaa dhammaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan Dhallinyaradda Somaliland iyadoo u rajaynaysa Somaliland Guul waarta iyo Gobonimo.

 

 

Sannad-guuro wacan, Somaliland ha jirto oo ha waarto,

 

Siyaad Cumar Cali

 

Guddoomiyaha Dallada SONYO

 

Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>