Sooran iyo Jawaan Oo isu Bedelay waji ku macaash Loo Adeegsado Cayda iyo Aflagadada Saxafadda iyo Shacabka Reer Somaliland

war(Duulnews)-Majajilaystayasha Sooran iyo Jawaan Oo ah Majajilaystayaal inta badan caan ku ahaa inay bulshada usoo bandhigaan riwayado ka turjumaya xalada dhabta ah ee ka jirta dalka Somaliland ayaa waxa mudoyinkii u danbeyayba ay labadani majajilaystayaal ay isu bedeleen kuwo jawi ku macaash ah oo hadba cay iyo aflagado ka dhan ah u gaysta hadba cid ay shaxadaan ee ay ka wayaan Kharashka Jaadka,Sigaarka iyo Biilka Xafadahooda,

Sooran iyo Jawaan Oo inta badan ay bulshada reer Somaliland ay si wayn u xiisayn jireen Riwayadahoda ayaa mudoyinkii u danbeyayba waxay si cad ay uga baxeen saxadii Riwayadaha waxaanay kooxda waji ku macaashka ah Ee hadba ay xukumada Silanyo ay u adeegsataa cayda iyo borobogandaha cida ka hadasha musuq-maasuqa iyo qaraabo kiilka xukumada silanyo,

Labadani Majajilayste ayaa Tobadkii la soo Dhafay Mar ay Riwayad ku soo Bandhigayeen Xaflad Xadhiga Lagaga Jarayay Lap Cusub Oo Lagu Baadhi Doono Tayada Shidaalka Berbera waxay Eedayn,Cay iyo Aflagado Aan Gabasho Lahayn ay Dusha uga Tureen Saxafadda Somaliland Oo iyadu ah Mid Aan Gayin Cayda iyo Aflagadada Aan Gabashada Lahayn Ee ay kula dul kufeen Majajilaystayasha Heeryaysan Ee Sooran iyo Jawaan,

Riwayadani ay Sameyeen Majajilaystayashani Heeryaysani ayaa mid ku cusub dhaqan Somaliland waxaanay muujinaysaa aqoon darida iyo waayo aragnimo la-aanta haysata labadani majajilayste Sooran iyo Jawaan,

Shacabka Reer Somaliland ayaa iyagu inta badan indhaha ku haya Ficilada Aan Wanaagsanyn Ee ka soo Yedhaya Laba Majajilayste Heeryaysan Waa Sooran iyo Jawaane,

Laba Majajilayste Sooran iyo Jawaan ayaa iyagu si Fudud ugu soo biiray Saxadda Riwayadaha Hadii aynu inyar ka Xusno Tarikhda ay ku soo bireen Bahda Riwadayaha Gobalka Togdheer ayaa Sooran waxa uu hore u ahaan Jiray Kaaryonle halka uu jawaana ahaan jiray kariyasha Kireya Gawadhida u kala baxda Hargaysa iyo Burco,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>